Gaalkacyo[RBC Radio]Duqa degmada Gaalkacyo ayaa maantey shir saxaafaded ku qabtey guddaha magaaladda isagona shirkisan uga hadley arimo dhor ah oo ka jiri degmada.
Axmed Cali Salaad duqa degmada Gaalkacyo ayaa shirkiisan jaraa’iid ku soo hadalqadey hormarinta degmada Gaalkacyo maadama xiligaan ay jiraan gobo farabadan oo ay fadhiyaan biyaha roobka tasi oo uu sheegey in biyaahas loo bahanyahay qalajintooda.
“Waxaa lobahan yahay inan ka qeynb qadano dhamanten sidii anu uhormarin laheyn bilacda demada iyadoo ay jiraan biyo badan oo xirey wadooyin muhim uu ah degmada halka ay jiran dugsiyo waxbarasho oo iyagana biyo fadhiya owgod an loo aadin taasina ma ahaa inan daawano”waxaa intaa hadalkisa kusoo qadey duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad.
Duqa degmada Gaalkacyo ayaa sidoo kale baaq udirey ganacsatada degmada Gaalkacyo isgona ugu baaqey ka qeb qadashada hormarinta deegaanka.
Axmed Cali Salaad ayaa hadalkisa isgo sii wata sheegey inay jiraan qorshayaal ay ku furayaan ilaa 10-biyo boli oo lugu donayo in lugu dhuro biyaha bux dhafshey magaaladda,halka sidoo kalna uu sheegey in qorshaha ay wadan qeyb ay ka tahay sidii degmada uu heli laheyd baabur dab damis ah si loo yareyo khasara dabka uu ka gesto degmada.
Dhinaca kale waxaa uu kaga warbixiyey shir saxaafadedkisa duqa socdaal uu ku tagey magaaladda Garowe ee xarunta Puntland isgona sheegey in uu kulan lasoo qaatey madaxda Puntland uuna kala hadley hormarinta degmada Gaalkacyo.
Qar ka mid ah jidadka waaweyn ee dhexmara degmada Gaalkacyo ayaa waxaa bux dhafshey biyo ad ubadan tasi oo sameen ku rebtey dadka deegaanka waxana maamulka degmada Gaalkacyo uu xiligaan sheegey inay wadaan dadal ay ku doonayan qalijinta biyahaasi.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo