Addis abab(RBC Radio) Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musaveni oo qudbad ka jeedinayey shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ee kusoo idlaaday magaalada Addis ababa ayaa daboolka ka qaaday in xiligan la joogo waqtigii ay dhalinta waxbaratay ay ka mid noqon lahaayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,Musaveni ayaa carrabka ku adkeeyey iney lagama maarmaan tahay dhisida ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
“Waa in ciidamada qalabka ee Soomaaliya lagu biiriyaa dhalinyarada ka qalin jabiyey Jaamacadaha ee shaqo la’aanta ah si ay wax badan uga bedelaan hab dhaqanka ciidamada dowlada ee xligan jira” ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni.
Madaxweyne Musaveni ayaa ku celceliyey iney waajib tahay dhisida ciidan qaran oo cudud leh kuwaas oo hanta sugida nabadgalyada dalka Soomaaliya oo ay xiligan gacan weyn ka geysanayaan ciidamada ka socda wadamada Afrika ee ku shaqeeya magaca hawlgalka AMISOM oo dowlada Uganda ay hormuudka ka tahay.
Wuxuuna ka dalbaday beesha caalamka iney qaadato kaalinta uga aaddan dhisida ciidan qaran oo awood u yeeshay sugida amniga dalka Soomaaliya,wuxuuna ku booriyey wadamada caalamka ineysan u kala harin taageerida dib u dhiska ciidanka xooga dalka oo ku burburay dagaaladii sokeeye.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveno ayaa qiray in ciidanka Soomaaliya ee xiligan jira uu yahay mid ay wax badan ka maqan yihiin,wuxuuna tilmaamay in hadii ay ciidamada ka mid noqdaan dhalinyaro waxbaratay uu hirgali doono dadaalka la doonayo in dib loogu dhiso ciidankii qaranka Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho