Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney guul kala soo laabatay shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia,wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna R/wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dalka kusoo laabatay kadib markii ay ka qaybgashay Shirka wasiirada arimaha dibada IGAD ayaa sheegtay iney guul la taaban karo ay dowlada Soomaaliya kala soo hoyatay Shir madaxeedkii IGAD ee kusoo dhamaaday magaalada Addis ababa.
Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo shir Jaraa’id ku qabatay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dowladu ay guul weyn kasoo gaartay shirkaasi,waxayna tilmaantay in dhammaan dalabaadkii dowlada Soomaaliya ay meel mariyeen madaxda urur goboleedka IGAD.
“Waxay isku raaceen madaxda IGAD in dowlada Soomaaliya looga danbeeyo arimaha,dhisida maamulada dalka iyo qorsheynta xasilinta amniga Soomaaliya,taasine waa guul aan ku talaabsanay ” ayey tiri wasiirada arimaha dibada dowlada Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.
War-murtiyeed kasoo baxay gabagabadii shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ayaa lagu lagu go’aamiyey in dowlada federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh looga danbeeyo dajinta qorshaha xasilinta amniga dalka iyo dib u dhiska Soomaaliya IGAD-ne ay taageero la garab istaagi doonto habka ay dowladu u dooneyso maareynta amniga iyo dhisida maamulada dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho