Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka degmada Balanballe oo bilaabaya hawlgal lagu aruurinayo hubka sharci-darrada ah

$
0
0

Balanballe(RBC Radio) Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay iney degmadaas ka bilaabayaan hawlgalo ay ku aruurinayaan hubka sharci darrada ah,go’aankan ayaa ka danbeeyey kadib markii nin hubeysan uu rasaas xalay ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa bartamaha degmada Balanballe rasaastaas oo dhalisay dhimashada 1 ruux iyo dhaawaca 2  kale,ninkaas oo markii danbe ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amniga degmadaas.

Gudoomiyaha degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud Hareeri Xasan Barre  ayaa warfidiyeenada u sheegay iney bilaabayaan hawlgalo baaxad leh oo ay dhammaan ku aruurinayaan hubka sharci darrada ,isagoona hoosta ka xariiqay in go’aankani ay uga gol leeyihiin xaqiijinta amniga degmada Balanballe.

Gudoomiye Hareeri Xasan Barre ayaa ugu baaqay shacabka degmadaas iney u hogaansamaan amarka kasoo baxay maamulka degmada,isagoona si gaar ah u xusay in dadka reer miyiga ah ay gudaha degmadaas lasoo galaan hub sharci darro ah oo qalqal ku haya amniga degmadaas,arintaasoo uu sheegay inaan loo dul qaadan doonin.

Kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya ku baahay hub sharci darro ah ,kaasoo gacanta u galay dadka shacabka ah,waxaana ka dhashay dhibaatooyin fara badan oo hubkaasi uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles