Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Kenyatta oo ay Maxkamada ICC doon-dooneyso oo la shaaciyey inuu ka qayb-galayo shirka Soomaalida ee London

$
0
0

Nairobi(RBC Radio) Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si sarmi ah loo shaaciyey inuu ka qaybagalayo shirka Soomaalida uga furmaya magaalada London ee dalka UK,Kenyatta oo ay si weyn u doon-dooneyso Maxkamada danbiyada dagaalka adduunka ee ICC  ayaa la shaaciyey iney soo gaartay casuumaadii uu kaga qaybgali lahaa shirka London.

Waana booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago Caasim ka mid ah caasimada wadamada reer Galbeedka tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii Bishii March ee sanadkan ka dhacday dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa loo haystaa eedo ku saabsan inuu ku lug lahaa rabshadihii dhiigga badan ku daatay ee dalka Kenya ka dhacay dabayaaqadii sanadkii 2007,markaaso oo si weyn loogu murmay natiijadii doorashadii madaxtimono ee dhacday dalkaas.

“Kenya waa saaxiib muhim ah marka ay timaado arimaha Soomaaliya,sidaas darteed annaga oo ka duuleyna  Kaalinta iyo Saamaynta Kenya ee Soomaaliya ayaan la xiriirna Kenyatta” sidaasi waxaa wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska   u sheegay afhayeen u hadlay xafiiska arimaha dibada ee dalka Ingiriiska.

Ilo ku dhow-dhow madaxweynaha Kenya Uhuru  Kenyatta iyo diblamaasiyiinta labada dal ee Kenya iyo UK  ayaa tilmaamay in madaxweyne Kenyatta uu ka qaybgalayo shirka 7-da bishan ka furmaya magaalada London kaasoo lagu taageerayo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa bah-wadaag ku ah dagaalka lagula jiro kooxda alshabaab,Kenya ayaa gudaha Soomaaliya usoo diray 5-Kun oo Askari  si ay ula dagaalamaan alshabaab kuwaas oo markii danbe ku biiray hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles