Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Federaalka oo sheegtay iney wada shaqayn dhow la yeelanayso Wariyaasha Soomaaliyeed

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday iney wada shaqan dhab ah la yeelanayso warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliyeed wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire oo ka qaybgalayey munaasabad lagu maamuusayey maalinta madax-bannaanida saxaafada adduunka ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay iney si dhow ula shaqeyso Wariyaasha Soomaaliyeed.

C/shakuur ayaa sheegay iney dowladu ka xuntahay tacadiyada loo geysto Wariyaasha Soomaaliyeed,wuxuuna  ballan qaaday in xukuumada Soomaaliya ay si rasmi ah u daba gali doonto kooxaha dhibaateeya Saxafiyiinta Soomaaliyeed,isla markaane ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay iney Wariyaasha Soomaaliyeed ay u samayn doonaan Kaarar Aqoonsiyo ah iyo Diiwaan galin la doonayo in lagu tira koobo wariyaasha Soomaaliyeed si looga gaashaanto in magaca wariyaasha dhibaatooyin lagu geysto sida uu hadalka u dhigay.

“Waa iney wariyaasha Soomaaliyeed  ka fofaadaan ku dhiirashada faafinta warar aan xaqiiqo ahayn,oo meel ka dhac ku ah qaranimada umada Soomaaliyeed” ayuu yiri C/shakuur Cali Mire oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya oo kula dardaarmay Saxafiyiinta Soomaaliyeed iney ka fiirsadaan wararka ay baahinayaan.

Wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada warfaafinta ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay u badbaadin lahayd nolosha wariyaasha Soomaaliyeed oo marti u noqday dilal iyo tacadiyo kale oo ka baxsan xeerarka xuquuqda aadanaha.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles