Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadir oo dowlada ka dalbaday iney dib u furto wadooyinka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya in dib loo furo wadooyinka muhimka ah ee magaalada Muqdisho oo maanta maalintii 5-aad u xiran ciidamada dowlada Soomaaliya, gudoomiye ku xigeenka Iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadir Maxamed Rashiid ayaa sheegay in xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho ay curyaamisay nolosha Qoysas badan oo ku tiirsanaa waxa ay maalintaa soo shaqeeyaan Darawaliinta ka dhex shaqeeya wadooyinka Muqdisho.

Gudoomiye xigeenka Iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadira ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney ka noqoto go’aanka ay ku xirtay wadooyinka magaalada Muqdisho,wuxuuna ku taliyey bedelkii wadooyinka la xiri lahaa in ciidamada dowlada Soomaaliya ay baaraan gaadiidka Dadweynaha ee wadooyinka adeegsanaya si loo xaqiijiyo amniga caasimada.

Maxamed Rashiid ayaa shaaca ka qaaday iney shaqo la’aan soo foodsaartay in ka badan (2-Kun) oo iskugu jira Mulkiilayaasha Gaadiidka iyo  Wadayaasha gaadiidkaas oo ka  dhex shaqaysan jiray wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kahor inta aysan wadooyinka xirin ciidamada dowlada Soomaaliya.

Gaadiid faro ku tiris ah ayaa maalmihii danbe ka dhex-shaqeynayey magaalada Muqdisho kuwaas oo isticmaalayey wadooyin Qarda-jeex ah oo dhexmara xaafadaha magaalada,dadweynaha xaafadaha magaalada ayaa dhagxaan iyo Biro ku gooyey wadooyinkii xaafadaha dhexmarayey ee ay gaadiidka dadweynuhu adeegsanayeen si ay uga hortagaan qatar gaadiidka uga timaada Carruurta ku ciyaaraya guryahooda hortooda.

Baaqyada loo dirayo dowlada Soomaaliya ee ku aaddan iney dib u furto wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa soo kordhaya,xirnaanshaha wadooyinka ayaa saamayn badan ku yeeshay noloshada  guud ahaan bulshada ku dhaqan  magaalada Muqdisho.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles