Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dagaal Culus oo ciidamada dowlada iyo alshabaab ku dhexmaray gobolka Bakool

$
0
0

 

Bakool(RBC Radio) Dagaal culusu oo saacado badan socday  ayaa xalay ka dhacay gobolka Bakool,dagaalka ayaa ka dhacay degmada Tiiyeglow ee gobolkaasi ciidamada dowlada Soomaaliya oo si aad ah u hubeysan ayaa duullaan ku qaaday degmada Tiiyeglow oo ay 4-tii sano ee ugu danbeeyey ay maamulayeen  dhaq-dhaqaaqa alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa dagaalka  kasoo qaaday  dhanka degmada Ceel-barde ee gobolkaas,ciidamada ayaa markii ay soo gaareen duleedka degmada Tiiyeglow waxa ay foodda isdareen  dagaalamayaasha alshabaab oo isku dayey iney difaacdaan gacan ku haynta degmada Tiiyeglow ee gobolka Bakool waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal qaraar oo geystay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyadii dagaalamay

Wararka kasoo baxay dagaalka ayaa sheegay in dagaalku uu geystay dhimashada 10 ruux oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay waxaana ka dhashay dhaawac intaa in ka badan,Saraakiisha hogaaminaya ciidamada dowlada Soomaaliya ee dagaalka la galay alshabaab ayaa sheegay iney si buuxda ula wareegeen  gacan ku haynta degmada Tiiyeglow iyo nawaaxigeeda.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool Mustaf Aadan oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegeen degmada Tiiyeglow oo qiyaastii  90-KM u jirta xarunta gobolka Ee Xudur,wuxuuna shaaca ka qaaday in ciidanka dowladu ay dagaalka Tiiyeglow ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen oo ahaa iney alshabaab ka saaraaan degmadaas sida uu tilmaamay.

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles