Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Ahlu-suuna oo ku boorisay dowlada Federaalka iney la timaado qorshe cusub oo lagu sugayo amniga dalka

 

Muqdisho(RBC Radio) Culima udiinka Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney la timaado Istaraatiijiyad cusub oo lagu sugayo amniga dalka gaar ahaan deegaanada gobolka Galgaduud oo dowladu ay dhawaan u magacowday maamul hoos yimaada dowlada Federaalka kadib markii ay heshiis la gashay culima udiinka Ahlu-sunna oo hore gacanta ugu hayey maamulka gobolkaas.

Gudoomiyaha golaha talada culima udiinka Ahlu-sunna waljamaaca Sheekh Cumar C/qaadir ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga fadhiyo iney miiska soo saarto qarshe cusub oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka Galgaduud oo deegaano ka tirsan ay  ka arimiyaan dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.

“Heshiiska aan la galnay dowlada waxaa saldhig u ahaa in cadowga laga saaro guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada ay gobolka Galgaduud kaga sugan yihiin,si fursad loogu helo in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaas sare loogu qaado noloshooda,loona gaarsiiyo adeegyada bulshada ay u baahan yihiin” ayuu yiri gudoomiyaha golaha talada culima udiinka Ahlu-sunna waljamaaca.

Sheekh Cumar C/qaadir ayaa tibaaxay iney wadaan dhaqan galinta heshiisyadii ay la galeen dowlada Federaalka Soomaaliyi xiligii uu R/wasaare Saacid safarka ku tagay degmooyinka gobolka Galgaduud,wuxuuna intaa ku daray in culima udiinka Ahlu-sunna ay ka go’an tahay mar walba iney dowlada ku booriso sidii ay dagaal adag ugu qaadi lahayd Al-shabaab oo uu ku tilmaamay iney yihiin cadowga umada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles