Dabaqadda Aragga
Cabdullaahi Janno
Claahijanno@gmail.com
“War kaas aniga laxna kuma aamineen,” ayuu lahaa Oday fadhiyay maqaaxi laga shaaheeyo, “tolku way ku qasaareen. Cadowgiisa ma yaqaanno. ”
Waxaa isla markaasna soo galay nin Saalax la yiraahdo.
“Waa doqonkaan oo kale,” ayuu yiri Odaygii, “kanna cadowgiisa ma yaqaanno.”
“Adeer hee? Maxaad galabta igu maagtay?” ayuu la soo booday Saalax oo qoslaya.
“Aabbahaa dhanna kama aadan raacin,” ayuu yiri Odaygii, “wuu kugu qasaaray.”
Saalax wuxuu dalbay labo koob oo shaah ah. Midna isaga ayaa loo keenay, midka kalena wuxuu u dalbay Odaygii.
“Alleylehe dhanka garashadase waad ka raacday,” ayuu yiri Odaygii oo shaahii afka la aadaya, “casariyo waan u baahnaa galabta. Laakiin sida kale wuxuu aabbahaa ahaa nin cadowgiisa yaqaanna, tolkiisana u hiilliya.”
“Horta adeer xaqa ayaa hiil u baahan,” ayuu yiri Saalax oo kabanaya shaahii, “xaqana uunka Ilaah u wada siman—sokeeye iyo shisheeyaba.”
“Bal eega! Bal eega!” ayuu la soo booday Odaygii, “soo idinma oran waa doqon?!”
Saalax wuu muusooday.
“Adeer galabta bal hal arrin iga yeel,” ayuu yiri Saalax. “Noloshaada inay isbeddesho la arkee.”
Waxaa uu Saalax jeebka kala soo baxay ookiyaale.
“Adeer, hoo,” ayuu yiri Saalax, “gasho.”
“War wiilyahow da’ baan ahayee,” ayuu yiri Odaygii, “ma haddaad rabtaa inuu aragga ii soo noqdo oo aan minyaro afaraad raadiyo.”
Waxaa qoslay Saalax.
“Horta ookiyaalahaan waa kii qabyaaladda,” ayuu yiri Saalax, “bal gasho!”
Odaygii wuxuu gashtay ookiyaalihii—oo isku toostoosiyay.
“Haye, adeer,” ayuu yiri Saalax, “ii sheeg: maxaad aragtaa?”
“Waryaa hee,” ayuu yiri Odaygii, “waryaa hee illeyn ragga aan tolka u aqiinnay illeyn qaarbaa cadowga la safan. Illeyn aniga ayay iga jiraan. Bal daya kanna. Illeyn midkan aynu isku hooyada nahay waa abees hoosta iiga jiro. Oo ninku illeyn waa cadow jecel jabka qabiilkeyga. Waryaa illeyn Soomaalidu waa wada cadow. Oo jufadeyda ayay shirqool u maleegayaan. Oo kaalay beesha caalamka maxay ula soo raagtay gargaarkii daawada iyo cunnadii? Bal car yaa kursiga ku fadhiisto aan aheyn jufadeyda! Alla! Alla! Bal arka ninkan la yiri qabiil ahaan ayuu ku raacay Musaylamatul Kadaab isagoo isla markaana qabiil ahaan ku beeniyay Xabiibkii Ilaah—calayhi salaatu wasalaam.”
Ookiyaalihii qabyaaladda ayuu Saalax ka bixiyay Odaygii.
“Adeer maxaad dareentay?” ayuu yiri Saalax.
“Waxaan laabta ka dareemay ciriiri,” ayuu yiri Odaygii oo neeftuuraya, “iyo cabsi. Iyo naceyb. Iyo xasad. Iyo waalli. Iyo sas. Iyo shareysiga qabiillada kale. Waxaan galay xintan hoose iyo xasad. Waxaan ku faanay qabiil; waxaanse ka xishoon waayay inaan beesha caalamka gacanta u hoorsado. Waxaan ku faanay geesinnimo; dumar iyo caruurna gacanteyda ayaan ku qixiyay. Waxaan u dagaallamay kursi; Soomaali weyn iska dhaafee qabiilkii aan ka dhashay ceel biyo ah uma qodin. Waxaan un dareemay inaan ahay qasaare-u-joog.”
Waxaa muusooday Saalax. Oo intuu ookiyaalihii hore jeebka ku celiyay ayuu jeeb kale kala soo baxay ookiyaale kale.
“Bal kanna gasho, adeer,” ayuu yiri Saalax, “waa ookiyaalihii urur diimeedka. Iina sheeg: maxaad aragtaa?”
“Koox hebel iyo koox hebelba waa cadow,” ayuu la soo booday Odaygii, “sunnadii Nebiga iyo asxaabtiiba annaga ayaa ku taagan. Waa in laga dhammeeyo Soomaaliya. Oo la xaalufiyaa. Waa fitno ku dhex jirto bulshada. Waa inaan u diidnaa inay ku soo biiraan maamulka. Alle idin jebi, oo xooggiina ha naaqusiyo. Nebciyaa. Wallee waa keenii u danbeeyo reerka. Waa inaan dhallinyarada idinku diraa oo aan ceebihiina un sheegsheegaa—libtiinana aan xaqiraa ama dafiraa.”
“Haddaba iska bixi ookiyaalaha kooxeysiga,” ayuu yiri Saalax, “maxaadna aragtay?”
Odaygii oo neeftuuraya ayaa iska bixiyay ookiyaalihii urur-diimeedka.
“Waxaan arkay wadaaddadii,” ayuu yiri Odaygii, “oo kooxo kooxo isku xulafeysanaya. Oo is-neceb. Is-haruufaya. Is-habaaraya. Is-xasdaya. Midba midka kale jabkiisa ku farxaya. Shirqool isku maleegaya. Kursi iyo maamulna u tartamaya. Oo intaas la baxayo magacyo ururo diimeed—oo misana sii kala jabaya, oo xukun u sii tartamaya, oo isku jihaadayo.”
“Maxaad dareentay?” ayuu yiri Saalax.
“Jah-wareer,” ayuu yiri Odaygii, “iyo niyad-jab. Dhalasho waa lagu kala tegi karaa—laakiin haddii towxiidka laysku walaaleysan waayo xaggee ka danbeyso oo laysku walaaleystaa?”
“Bal ookiyaalahan saddexaadna gasho,” ayuu yiri Saalax, “waa ookiyaalihii Muslimka.”
Odaygii markaan wuu aamusay. Oo cabbaar shibta ku jiray.
“Maad hadashid?” ayuu yiri Saalax, “maxaad la aamustay?”
“Adeer afkii baa juuqda gabay,” ayuu yiri Odaygii. “Waxaan ku hadlo ma aqaan. Waxaa ii muuqday salafkii. Iyo ehlu kheyrkii. Oo iskaashanaya. Oo kala qowmiyad iyo luuqado ah, balse ku walaaloobay mabda’a Towxiidka. Hadalkoodu waa tasbiix iyo tahliil. Salaantoodu waa duco iyo raxmad. Sadaqadoodu waa sir iyo qarsoodi. Qalbigoodu waa dhalo nadiif ah oo aan saxar madow ku oollin. Qabyaalad ma’aysan aqoon. Xasad laguma arag. Xintan qabiil way iskala weynaayeen. Kursi iyo maamul way ku xajiimoon jireen. Dhaqankoodu wuxuu ahaa cafiska iyo ceeb-asturka. Hadafkoodu wuxuu ahaa raalli-gelinta Ilaah. Walwalkoodu wuxuu ahaa inay Maalinta Qiyaamaha waayaan shafeecadii Xabiibka Ilaah.”
“Caleyhi salaatu wasalaam,” ayuu yiri Saalax oo muusoonaya, “haddaba maxaad dareentay?”
“Allaahu Akbar!” ayuu yiri Odaygii oo muusoonaya, “waxaan dareemay qalbi waasac ah. Farxad. Xasillooni. Kalsooni. Ilbaxnimo. Wanaag. Yaqiin. Qanac. Hodantanimo. Fudeyd ruuxi ah. Lagama sheekeyn karo.”
Saalax inta koobkii shaaha ka cabay kabashadii u danbeysay ayuu sare u kacay.
“Sagaal bilood ayaa lagu wada dhashay,” ayuu yiri Saalax, “waxaase lagu kala tegay waa dabaqadda aragga.”
Odaygii waxaa uu dhageysanayay hadalkii Saalax.
“Noloshu way gaaban tahay,” ayuu yiri Saalax, “qofka ayayna u taallaa inuu xusho indhihii uu nolosha ku eegi lahaa.”
Waxaa uu Saalax tegay maqalkii. Lacagtii shaaha bixiyay. Una sii dhaqaaqay dhankii iridda.
~Dhammaad~
Qore: Cabdullaahi Janno
Qoraaga kala xiriir cinwaankan: claahijanno@gmail.com ama facebook.com/Qalinmaal.
=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM