Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Puntland khibrad ku filan wey heysataa! W/Q Farah Warsame

$
0
0

Puntland khibrad ku filan wey heysataa!
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Maajo 04 2013

Puntland khibrad dowladnimo oo 15 sano ka badan ayay wadataa. Cidna ma khaldi karto!.

Faarax Warsame

Waxaa Garoowe gaaray Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sh Max’ud. Sida la sheegayna booqashada Md Xasan waxaa lagu macneeyay sidii uu Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ugala hadli lahaa shirka ka dhacaya London oo maalmo kooban uun ka harsan yihiin.

Tegista Garoowe ee madaxweyne Xasan ayaa u muuqata in ay ku timid labo arrimood mid uun. Midda hore ee loo badaniyo ayaa ah in dowlado shisheeye kula taliyeen in u booqdo dowladda 3-aad ee Soomaaliya ka jirta marka laga reebo tan Muqdisho & tan Hargeysa. Dowladdaas oo ah Puntland in uu kala hadlo arrinta shirka London, lasoo tashado, waxna meel isla soo dhigaan. Iyo in uu qaab siyaasadeed uu doonayo in uu wax ku khaldo ama ku dhex-qarinayo ay ka tahay si uu adduun-weynaha uga gado in uu booqday maamul Soomaaliya ka tirsan dowladdiisa federaalkana hoos yimaada lana soo tashaday, taladoodana ku socdo, sidaana uu ugu doodo shirka London haddii ALLE idmo.

Intiinii dhageystay shirkii jaraa’id ee labada madaxweyne Xasan & C/raxmaan ay ku qabteen Garoowe, waxay noo sheegeen in dhowr qodob la isku fahmi waayay. Dhowr-kaa qodob ee la isku mari waayay ayaa ahaa xudunta wada-hadaladii Garoowe. Waxayna kala ahaayeen, dhismaha maamul goboleedyada, ilaalinta dastuurka dalka & qaabka looga qeyb galayo shirka London.

Qodobadan ayaa labo kamid ahi khuseeyaan arrimaha gudaha halka midda saddexaad uu ku saabsan yahay siyaasadda dibedda inkastoo waxa isla qodobkaa looga hadlayo ay yihiin arrimo gudaha ku taxaluqa. Qodobkaa Shirka London aayaan wax ka oran doonaa anigoo dulmari doona arrimaha dastuurka federaalka.

Haddaba su’aalaha dad badani ka shanqariyeen ayaa ah, Maxaa la isku heystaa? Muxuuse dastuurku ka yiri arrimaha muranka keenay. Si aad u fahanto cidda sharciga ku taagan, waxaa muhiim ah in aad wax ka ogaato waxa sharcigu (dastuurka) ka qabo arrimahan.

Aan ku hormaro midda ku saabsan maqaamka ay Puntland ay ku yeelanayso marka ay dhacayaan shirar soomaalida loo qabanayo iyo waxa dastuurka federaalku u sharciyeynayo maamulka Puntland & kuwii kale ee gadaal kasoo dhisma.

Qodobka 53aad ee dastuurka federaalka kana hadlaya wada-xaajoodyada Caalamiga wuxuu leeyahay:

1) Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

2) Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad-goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

(3) Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Qodobka 54aad ee kala qaybinta Awoodaha wuxuu isna sharaxayaa:

Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda; B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso dowladda federaalka.

Haddaba qodobadaa markaad u fiirsato waxaa kuu soo baxaya in la doonayo in dowladda federaalku ay wadatashi kala yeelato maamulada federaalka marka ay timaaddo arrimaha wadaxaajoodyada caalamiga ah ee ay dowladda federaalku galeyso. Sidoo kale wakiilo ka socda maamul-goboleedyada ku weheliyaan wadaxaajoodyada iyo sidoo kale waa in dowladdu u muuqataa mid ilaalineysa danaha dowladaha xubinta ka ah federaalka.

Intaba dowladdu waxay dooneysaa in ay ku tumato. Tusaale faqradda 1-aad ee qodobka hore, dowladda federaalka waxay isku dayeysaa in fikradaheeda ku khasabto wadahadalada ay dowlad goboleedyada la geleyso, iyadoo iska indha-tireysa talooyinka ay Puntland soo jeedineyso. Marka aan Puntland leeyahay waa maamulka keliya ee sida sharcigu qabo u dhisan, waa maamulka keliya ee sharciga dabakhaya, waana sababta keentay in shirka London lagala xaajoodo Puntland oo keliya marka laga reebo Somaliland oo iyadu gooni-u-istaag iclaamisay. Sidoo kale xubinta ku xigta ee ah in dowlad goboleedyadu kaabaan ama ku weheliyaan wada-xaajoodyada si ay talada iyo go’aanada wax ugu yeeshaan, ayaysan dowladdu diyaar u aheyn sida muuqata. Marka la leeyahay waa in kaabaan taa macnaheedu waxaa weeye in go’aanada & talooyinka wax ku yeeshaan oo talada dalka lagu dhaqayo dowladda federaalka oo keliya go’aan kama gaari karto sida halkaa ku cad. Isla qodobkaas qeybta ugu dambeysa ee ka hadleysa ilaalinta danaha dowlad-goboleedyada dowladdu uma muuqato mid diyaar u ah in ay fuliso. Waxaana kuu caddeynaya dowladda oo isu aragta in ay tahay dowlad dalka oo dhan ka talisa, awwooddeedu baahsan tahay, ammaradeeduna ay gaarayaan meel walba oo soomaaliya ka tirsan. Shacabka soomaaliyeed & adduunweynuhuba waxay ka warqabaan in dalku awoodo kala duwan ka taliyaan, sidaana ahaanayeen in ay kasii xoogeystaan mooyee.

Isla qodobkaa 53-aad ee ka hadlaya wada-xaajoodyada caalamiga wuxuu sii sharraxay wadaxaajooyada laga hadlayaa waxa ay yihiin. Haddaad eegto wada-hadalada London waxaa ku jira sida lasii sheegay kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada iyo arrimo kale oo muhiim ah. Markaa Puntland waxaa khasab ah in dowr muhiim ah ay ku yeelato shirka London looguna talo galo sidaa, haddii kale ay ka maqnaato.

Qodobka xiga ee 54-aad wuxuu si cad u sheegayaa awoodaha ay dowladda federaalku leedahay oo ay kamid tahay arrimaha dibedda. Waa halkaa meesha dadka qaska wadaa ay dadka ku jaha wareeriyaan. Macnuhu waa in ay arrimaha dibedda dowladda federaalku u metesho guud ahaan Soomaaliya (Maamulada federaalka oo dhan marka ay soo dhameystirmaan), sida shirarka dowladaha shisheeye oo haddaba ay dowladdu u matasho sida kan hadda ugu dambeeyay ee ay Fowsiya – Wasiirka Arrimaha dibeddu ugu ambabaxday Itoobiya. Taa macnaheedu ma ha in wada-xaajoodyada soomaalida khuseeyaa sida kan London ay dowladda u matali karto maamul-goboleedyada.

Maxaysan dadku fahansaneyn? Maxayse shacabka Puntland doonayaan?

Kuma noqonayo awoodda Puntland u saamaxeysa in ay shir-walba oo arrimo muhiim ah oo gudaha ku saabsan looga wada hadlayo in ay goob-joog ka ahaato oo taa sidaan soo sheegay dastuurkaa u fasaxaya. Waxaa rabaa in aan qeexo waxa Puntland ay tahay dadka qaar aysan fahansaneyn ama inkiraad kala yimaadaan mar walba.

Dowladda Puntland waxay matashaa shacab, dhul & maamul. Markii madaxdeeda la doortay waxay ku dhaarteen in danta dalka & dadka u adeegayaan. Waa adeegayaal shacabku dirsaday, shacabkuna sidaa ayay u doonayaan in loogu shaqeeyo. Sidaa darteed sida uu qeexayo faqradda 3-aad ee qodobka 53-aad, Dowladda Federaalka waa in ay ilaalisaa DANAHA dowladda Puntland.

Shacabka Puntland waxay doonayaan in awoodda Puntland ay ku dhex leedahay Soomaaliya sida ay u muuqato u jirto. Go’aanadeeda & taladeedana ay u madax banaan tahay oo aan lagu dhex qarin ajandooyin gurracan oo dad gooni ah ay wataan. Tusaale arrimaha awood-qeybsiga ama wax-wada-qeybsiga soomaalida dhexdeeda, Puntland waa in ay goobjoog ka tahay shirwalba, dadkeedana u matasho.

Sidoo kale shacabka Puntland waxay doonayaan in dastuurka dalka u yaal lagu dhaqmo, ayagoo u arka in ay tahay habka keliya ee la isugu soo dhawwaan karo, talana loo wadaagi karo.

Marka cidda dooneysa in ay ka hortimaaddo waxa shacabka Puntland doonayaan waa dad ujeeddo gaar ah leh, doonayana in shacabka soomaaliyeed mar kale iska hor-keenaan. Taana suurto-gal maaha oo shacabka soomaaliyeed waxay sameysteen nidaam kala haga adduunweynuhuna uu ku taageeray kuna ictiraafay. Markaa ciddii ka hortimaaddaa waxaa hubaal in seeftu iyada la tageyso, oo waxaa dhammaaday isu yeerintii & kali-talisnimadii ay soomaaliya soo martay .

Muxuu yahay xalku marka?

Xalku waa in aan la is indho-tirin, oo waagici-ga jira loo yimaado. Dalku dastuur ayuu leeyahay ha xumaado ama ha samaado, soomaali ayaa sameysatay iyada ayayna u taallaa sidii ay ka yeelayaan mustaqbalka haddii ay afti wax-ka-badal u qaadayaan iyo haddii kale. Sidaa darteed Puntland & maamulkii kale ee dhisma, wuxuu dalka ku leeyahay xuquuq sharcigu siinayo, cid duudsin kartaana aysan jirin. Dastuurna waxaa lagu badalaa afi-dadweyne (referendum) ee inta qol lala galo wax lagama badali karo. Haddii la isku dayo-na waxa aad badashaan waa nuqul gacanta idiinku jira, ee ma aha kii sharciga ahaa ee Soomaalida kale & adduun-weynuhuba heystaan.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa Puntland khibrad ku filan xagga maamulka dowladnimo ayay heysataa, cidna ma khaldi karto. Haddii ay dulqaad ka muujiyeen dhibatootyin badan oo loo geystay taa macnaheedu ma aha in wax walba loola iman karo. Waxaan marka oranayaa mar haddii xaal sidaa yahay waa in la fakaro, lana taxadaro, khaasatan waxyaabaha keeni kara in dalku sii kala furfurmo. Maanta goosashada Somaliland ayay dadku la yaaban yihiin. Haddaan caqligu shaqeyn, weliba madaxda soomaaliya horboodeysaa aysan sharciga u hoggaansamin waxaa iman doonta maalin aan u kala sheekeysanno imaarado yar-yar oo qabaa’ilo kala duwan oo soomaali ah daggan yihiin kana taliyaan.

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame
Melbourne, Australia
Bile1971@hotmail.com

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles