MUQDISHO (RBC) Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warfaafinta ayaa maanta xusay maalinta caalamiga ah ee Xorriyada Hadalka iyadoo dawladda Soomaaliya ay ballanqaaday inay wax badan ka qabaneyso sidii loo soo qaban lahaa dembiilayaasha ka dambeeya rabshadaha ka dhanka ah saxaafadda.
Hay’adaha warbaahinta Soomaaliyeed oo kala duwan, wariyaasha daabacaadda ka shaqeeya iyo suxufiyiin ayaa isugu yimid hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho si ay ugu dabaaldegaan munaasabadan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliya iyo Hay’adda ARTICLE 19 qeybteeda Bariga Afrika.
Kulankan ayaa waxaa si rasmi ah u furay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, boostaha, isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane Cabdishakuur Cali Mire oo si aad ah u xoojiyey muhimada ay leedahay in laga hortago dhimasho kale oo suxufiyiinta loo geysto.
“Qof kasta oo lagu tuhmo inuu ku lug leeyahay weerarada wariyaasha waa la soo qabanayaa waana la maxkamadeynayaa.” Ayuu yiri wasiir ku xigeenku.
Sanadkii 2012 waxaa Soomaaliya lagu dilay 18 wariye taasoo ka dhigtay wadanka meesha ugu khatarta badab ee wariyaasha ka shaqeeyaan adduunka.
Wakiilka hay’adda ARTICLE 19 Partick Mutahi ayaa isaguna xoojiyey muhiimada ay leedahay in la maxkameeyo kooxaha ku xadgudba xuquuqda wariyaasha si loo dhameeyo dhaqanka la xisaabtan la’aanta ee hadda jira.
“Waa muhiim in dawlada Soomaaliyeed ay xooga saarto dadaaladeeda ku aadan barista iyo dabagalka dembiyada a dhanka ah xorriyada saxaafadda si loo yareeyo weerarada lagu hayo wariyaasha.” Ayuu yiri Partick Mutahi.
Amaanka iyo badbaadada wariyaasha Soomaaliya waxay gaaryay heer aan la saadaalin Karin taasoo sabab ay u tahay tababar-darnaanta jawaabta dhanka dawlada ka imaaneysa ee ku aadan soo qabashada iyo maxkamadeynta kuwa dila wariyaasha.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed [NUSOJ] Maxamed Ibraahim ayaa walaac ka muujiyey xaalada sii xumaaneysa ee ay ku sugan yihiin suxufiyiinta Soomaliya ee ka heysata dhanka amaanka isagoo xusay in “cabsida ka dhalatay shirqoolada lagula kacayo wariyaasha, ee aaney dawladu waxba ka qabanin badbaadinta wariyaasha inay si daran u waxyeeleneyso helida warar madax bannaan. Wuxuuna dawlada ka dalbaday inay la timaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo amaanka iyo nabadgelyada wariyaasha Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ee Warfaafinta, Dhaqanka, Boostaha iyo Isgaarsiinta Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka manta hadal ka jeediyey ayaa ku celceliyey in guddiga heerka baarlamaan ee uu ka shaqeynayo sidii loo difaaci lahaa wariyaasha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dawlada ay kula xisaabtamayaan xadgudubyada lagula kacay wariyaasha iyo in baarlamaanku u dulqaadan doonin sii socoshada carqalada lagu hayo saxaafadda.
Dr. Yaasiin Cali Xeyle oo ah Agaasimaha waaxda anshaxa iyo xuquuqda aadanaha ee wasaaradda oo isaguna hadal ka jeediyey munaasabadda xuska maalinta xoriyadda saxaafadda ayaa muujiyey in wasaaradda caddaalada ay gacan ka geysaneyso sidii loo dhameyn lahaa dhaqanka isla xisaabtan la’aanta iyo in wariye kasta ee la dilay uu helo caddaalad.
Gabgabadii munaasabadda 3-da May ee maalinta xoriyadda saxaafadda ayaa waxaa dadkii ka qeybgalay munaasabadda xus u sameeyeen wariyaashii Soomaaliyeed ee sida xaqdarada ah loogu dilay dalka, waxaana dhammaan wariyaashu ay siteen sawirada wariyaashii la dilay iyagoo shaqadooda ku jira, waxaana cambaareyn loo jeediyey tacadiyada ka dhanka ah madax bannaanida warbaahinta iyo dhibaateynta lagu hayo wariyaasha.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho