Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madax-Banaanida Saxaafada oo Garoowe laga Xusay iyo Wasiirka Warfaafinta oo aan kasoo qayb galin.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Kulankan wuxuu ka dhacay Xarunta Cilmi Baarista ee PDRC ee Magaalada garoowe  waxaana si weyn loogu xusay Maalinta Madax-banaanida Saxaafada Aduunka oo ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland C/laahi Axmed jaamac (Ilka-Jiir) iyo lataliyaha Madaxweynaha Dhinaca Saxaafada Maxamed C/Raxmaan Maxamed oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland waxaana madasha lagu soo bandhigay Dhibaatada Suxufiyiinta soo gaadhay Sanadii lasoo dhaafay iyo midkan hada lagu jiro.

 

Burhaan axmed Daahir oo ah Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta ee Map Ahna Gudoomiyaha NUSoj oo hadalka ku horeeyey wuxuu sheegay Saxaafada Soomaaliyeed in ay dhibaato walba u nugulyihiin lana kulmaan Jirdil Handadaad iyo dilala qorsheesan oo aan lahayn meel loo raaco, burhaan wuxuu sheegay Sanadkan in Dalka bakistaan lagu dilay 18wariye halka soomaliyana ay 4 ka mareyso, wuxuu Rajo wanaag ka muujiyay In Sanadkan uu ka yaraado Dilka Suxufiyiinta Sanadkii Hore ee 2013ka.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland C/laahi axmed jaamac Ilka Jiir ayaa dhankiisa sheegay in Saxaafada    Soomaalida  ay Hawlkarnimo weyn ku jirto Bulshadana ay ay kaalin weyn ugu jiraan wuxuu hambalyo u diray wasiirka dhamaan Suxufiyiinta ku nool Soomaliya isagoo ugu baaqay in shaqada ay Bulshada u hayaan ay sii laba jibaaraan kana shaqeeyaan nabada iyo Xasiloonida Dalka.

 

Maxamed C/raxmaan Maxamed oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Puntland dhanka Saxaafada oo Madasha ka hadlay  wuxuu sheegay in Puntland ay Tixgelin gaar ah siineyso Saxaafada Aadna ay u qiimeyneeso Shaqada Ay bulshada u hayaan, Maxamed wuxuu carabka ku dhuftay dhacdo ay aad uga xumaadeen Saxafiyiinta Puntland kadib markii wariyeyaal lagu jirdilay qalabkoodiina looga jajabiyay Maalintii uu imaanayay Mdaxweyne xasan sheekh Xarunta Madaxtooyada, taa hada baaritaan ayaan ku haynaa waana laga wada hadlay arintaasina waxay ahayd mid si qaldan ku dhacday dadkoo dhan wey mashquulsanaayeen habeenkii ayaan maqalnay sida ay wax u dheceen naga war suga jawaab ayaan idin soo siin doonnaa ayuu yiri Maxamed C/raxmaan Lataliyaha Madaxweyne faroole ee Dhanka Saxaafada.

 

 Waxaa  intii ay xafladaasi socotay kasoo qayb galin Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir iyo guud  ahaanba Saraakiisha wasaarada taasoo wariyeyaasha ku noqotay wax lala yaabo, Wasaarada Warfaafinta ayaan la ogayn Colaada ay u qabto Saxafiyiinta iyadoona laga rabay in Barnaamijkii Maanta ay hogaamiso balse taa ma dhicin oo madashaba kama aysan muuqan sida ay Suxufiyiin badan is weydiiyeen.

 

3da May Maanta oo kale Waxaa la xusaa maalinta Madax-Banaanida Saxaafada wallow Xoriyad leysku halayn karo aysan wariyeyaasha ku haysan Dalka Somaliya oo lagu handado loo caga jugleeyo la jirdilo, laga burbursho qlabkooda,ama qudha laga jaro iyagoo u adeegaya dalkooda iyo dadkooda Soomaaliyeed.

Ibrahim Wadani

 RBC RADIO

Xafiiska Wararka garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles