Addis ababa(RBC) Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD oo maanta ka dhacay magaalada Addis ababa ee caasimada wadanka Ethiopia ayaa qudbad dheer ka jeediye shirkaas,wuxuuna uga warbixiyey masuuliyiinta IGAD xaaladaha guud ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa madaxda urur goboleedka IGAD uga waramaya qorshaha xaslinta dalka ee ay dajisay dowlada Soomaaliya,maamul u samaynta gobolada dalka.Nidaamka hirgalinta Federaalka, Guulaha iyo dadaalada ay ku talaabsatay dowladu iyo dib u habaynta dastuurka qaranka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale madaxda dalalka IGAD uga warbixiyey ajandayaasha shirka maalinta Talaadada ee soo aaddan Soomaalida uga furmaya magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska.
Madaxda ka qaybgalay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa bogaadiyey dadaalka ay ku jirto dowlada Soomaaliya kaasoo ay ku dooneyso iney markale kusoo nooleyso qaranimadii umada Soomaaliyeed,waxayna soo dhaweeyeen shirka ka furmaya magaalada London 7-da bishan May.
Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha wadamada Uganda Yuweeri Musaveni iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta,waxayna sidoo kale is arkeen R/wasaarada dalka Ethiopia Hayla-mariam iyo madax kale oo ka socotay wadamad urur goboleedka IGAD.
RBC Radio