Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay xirnaanshaha wadooyinka Muhimka ah ee Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay xirnaanshaha inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgalkani uu salka ku hayo sidii gacanta loogu dhigi lahaa nabadgalyada caasimada Muqdisho.

“Dowlada dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir waxay si wada jir ah u go’aansadeen in Muqdisho laga bilaabo hawlgalo baaxad weyn oo looga hortagayo dhibaatada ay kooxda alshabaab oo caadeysatay dhibaateynta umada Soomaaliyeed u maleegeyso dadka ku nool magaalada Muqdisho”ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Yuusuf Cismaan.

Afhayeenka gobolka ayaa sheegay in laamaha amaanka,ciidamada iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ay ka wada shaqaynayaan hawlgalkan,wuxuuna tilmaamay iney ku rajo weyn yihiin xaqiijinta amniga caasimada,wuxuuna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iney ciidamada gacan ku siiyaan hawlgalka ay  ku sugayaan bada Muqdisho.

“Wuxuu maamulka gobolka Banaadir ku boorinayaa,isla markaane farayaa ciidamada xooga dalka iney dhowraan sharafta iyo karaamada umada Soomaaliyeed ,kana fogaadaan wax kasta oo dhibaato u keeni kara shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles