Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Guddiga Hawlaha Guud Ee Baarlamaanka oo Dhaliilay Qaabka Loo Wajahay Hawlgalka Amniga Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudiga hawlaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceeyey habka ay dowladu Muqdisho uga wado hawlgalka lagu suganayo amniga caasimada,gudoomiyaha gudiga hawlaha guud ee baarlamaanka federaalka xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay ineysan habooneen qaabka ay dowladu u bilowday hawlgalka  lagu sugayo nabada magaalada  Muqdisho.

Gudoomiyaha gudiga hawlaha guud ee baarlamaanka ayaa cambaareeyey qaabka uu u socdo hawlgalka Muqdisho ay dowladu ka bilowday,wuxuuna sheegay in arintani ay dhibaato ku tahay shacbiga Soomaaliyeed,isla markaane aysan wax dan ah ugu jiran bulshada magaalada ku dhaqan.

“Waxaa jira siyaabo badan oo looga hortagi karo qatarta ay dowladu sheegtay  hadii laga wada tashan lahaa,laakiin sida ay hada wax u socdaan waxa ay dhibaato ku tahay bulshada magaalada,qatarta la sheegay in laga hortagayo waxaa kasii weyn qatarta ka dhalan karta sida ay wax u socdaan xiligan” ayuu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gida hawlaha guud ee baarlamaanka federaalka.

Dhuubow ayaa sheegay iney arintani ay waxyeeleynayso adeegyada bulshada,wuxuuna talo ahaan usoo jeediyey in wax badan laga bedelo sida ay dowladu u wajahday sugida amniga caasimada Muqdisho, hawlgalada ay ciidamada dowladu ka bilaabeen magaalada Muqdisho ayaa saamayn badan ku yeeshay noloshada shacabka ku nool  magaalada Muqdisho.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles