Muqdisho(RBC Radio) Maanta maalintii labaad ayaa waxaa xiran inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa gaaf wareegaya wadooyinka waaweyn ee caasimada Muqdisho, waxaana magaalada ka socda hawlgal ka baaxad weyn midkii shalay ka bilowday.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka sii laba jibaaray hawlgalkii ay shalay Muqdisho ka bilaabeen waxaana si gaar ah loo adkeeyey amniga xarumaha dowlada Soomaaliya oo saaka la diidayo iney dadku ka agdhawaadaan,Gaadiidka oo shalay si teel teel ah uga dhex shaqeynayey gudaha xaafadaha Muqdisho ayaa maanta gabi ahaanba joogsaday kadib markii ay ciidamadu gudaha u galeen xaafadaha caasimada Muqdisho.
Hawlgalka saaka ayaa wax badan kaga duwan sidii uu shalay ahaa waxaana maanta kusoo kordhay baaritaan xoogan oo dadweynaha lugeynaya lagu sameynayo,ciidamada ayaa si aad ah u feejigan waxaana la arkayaa dadka oo lugeynaya wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Dowlada Soomaaliya ayaa ku micneysay hawlgalkan inuu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho,waxayna intaa ku dartay inuu socon doono ilaa inta laga xaqiijinayo nabada caasimada oo xiliyada qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho