Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20199

Cudurka Shuban-biyoodka oo fara Ba’an ku haya Maxaabiista ku Jira Xabsiga Dhexe ee Xamar

$
0
0

Taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in xarunta Xabsiga dhexe ee dalka uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka kasoo soo ritay qaar ka mid ah maxaabiista ku jira Xabsiga halka ay qaar kalane ku geeriyoodeen gudaha xarunta xabsiga dhexe taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa sheegay in ilaa hada cudurka shuban biyoodka uu u geeriyooday  ruux oo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho wuxuuna sidoo kale sheegay in ilaa kale ay la ildaranyihiin cudurka shuban biyoodka oo ka dillaacay gudaha xabsiga dhexe,isagoona tilmaamay in si deg deg ah wax looga qabto qatarta cudurkaas oo fara ba’an ku haya maxaabiista ku jira Xabsiga.

Xuseen Xasan Cismaan taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa baaq u diray dowlada Soomaaliya wuxuuna ka codsaday iney sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabato dhibaatada cudurka Shuban-biyoodku uu ku hayo maxaabiista,wuxuuna si gaar ah uga codsaday wasaarada warfaafinta iney  u u gantato wax ka qabashada iyo xakameynta Cudurka shuban-biyoodka oo laga cabsi qabo inuu ku faafo guud ahaan maxaabiista ku jira Cisbitaalka.

Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku jira boqolaal ruux oo la xukumay kuwaas oo la xukumay kadib markii lagu helay danbiyo lagu soo oogay ,iyadoona hadii aan si deg deg ah looga hortagin wax ka qabashada cudurkan shuban-biyoodka ay suurta gal tahay inuu ku halakeeyo maxaabiista kale ee ku jira xabsiga dhexe ee Xamar.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20199

Trending Articles