Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Arday Dhameysatay Heerka 2-aad ee Jaamacada (Master Decree) oo Xaflad Qalin-jabin ah loogu Dhigay Magaalada Muqdisho

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo ay ku qalin jabinayeen 19 arday oo dhameystay waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda ayaa   lagu qabtay hoolka shirarka ee Hoteelka City Plaza ee magaalada Muqdisho xaflada qalin jabinta ayaa waxaa kasoo qeybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, wasiiru dowlaha wasaarada adeega bulshada,maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale oo aad u badneed.

Ardaydan Soomaaliyeed ee dhamysatay heerka labaad ee jaamacadda (Master Decree) ayaa ka qalin jabiyey Jaamacada Hope University oo bahwadaag la ah Jaamacada dalka Yugaandha ee Kampala University waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay ee arday heerka labaad ee waxbarashada Jaamacadda ay ka qalin jabiyaan magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dalka sanadkii 1991.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sh Cismaan Jawaaro oo hadal ka jeediey xaflada qalin jabinta ayaa sheegay iney tahay wax lagu farxo in arday  Soomaaliyeed ay heerka labaad ee waxbarashada Jaamacada ku diyaariyaan gudaha dalka wuxuuna ballan qaaday iney dhiiri galinayaa ardayda dalka gudihiisa wax ku bartay,isagoona tibaaxay iney ka wanaagsan yihiin ardayda u hayaamay wadamada shisheeye marka ay noqoto iney cilmi baaris sameeyaa.

Max’ed Sh Cismaan Jawaari gudoomiyaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in dowlada Soomaaliya ay tixgalin gaar ah siin doonto ardayda kasoo baxa Jaamacadaha dalka isla markaane ay u samayn doonto shaqo abuuris.

Najiib Sh C/kariin oo ah  gudoomiyaha Jaamacada Hope University ayaa sheegay in hadafka Jaamacadu uu yahay in lasoo saaro aqoon yahano Soomaaliyeed oo dalka wax ku bartay kuwaas oo u adeega bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay iney ardaydani yihiin dufcadii koowaad ee ka qalin jabiya qeybyta Muqdisho ee Jaamacada Hope University.

Qaar kamid ah ardaydii maanta la gudoonsiiyey shahaadooyinkooda oo iyagune la hadlay saxaafada ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan dhameysashada heerka labaad ee Jaamacada  waxayna tilmaameen iney aad ugu faraxsan yihiin iney soo gaaraan heerka ay maanta taagan yihiin oo ay sheegeen iney muddo dheer ku taamayeen.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles