Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa gaadiidleyda ku safra gobolkaas ineysan adeegsan wadooyinka wareegga ah ee ka baxsan wadada weyn ee laamiga ah wuxuuna tilmaamay in hadii ay maraan wadooyinkaas ay halis u yihiin dhibaato kaga timaada kooxo burcad ah oo ku sugan deegaanadaas oo uu sheegay ineysan ku sugneen ciidamada dowlada Soomaaliya.
Cabdi Jiinow ayaa shaaca ka qaaday in amniga wadada laamiga ah uu yahay mid sugan kadib markii sida uu sheegay ay qaadeen hawlgalo ay ku xaqiijinayaan wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar taasoo ay ka cabanayeen gaadiidleyda u kala goosha gobolada Banaadir iyo Shabeelaha dhexe.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ciidamada dowlada ee ku sugan gobolkaas ay ku hawlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga gaadiidka iyo shacabka ku safra gudaha gobolkaas wuxuuna ka codsaday gaadiidleyda iney ka waantoobaan marida wadooyinka qarda jeexa ah ee aan ahayn wadada laamiga ah,wuxuuna si buuxda u ballan qaaday iney damaanad qaadayaan amniga gaadiidka ku safraya wadada laamiga ah
Dhanka kale waxaa si weyn maanta loo adkeeyey amniga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo ay ku wajahn yihiin wafti ka socda hay’ad laga leeyahay wadanka Turkiga mana cadda ilaa hada ujeedka safarka masuuliyiinta hay’ada Tirkiga ay ku tagayaan magaalada Jowhar.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho