Xaaladaha Bukaanada ku jira Cisbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ayaa laga dayrinayaa iyadoona Cisbitaalka laftiisa ay ka jiraan dhibaatooyin la xiriira daawo la’aan gudoomiyaha cusub ee gobolka BAay Cabdi Aadan Hoosow ayaa qiray in xaalad adag ay ka taagan tahay Cisbitaalka magaalada Baydhabo oo ay xiligan jiifaan Bukaano fara badan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Cisbtaalka guud ee magaalada Baydhabo uu ku jiro marxalad adag isagoona baaq u diray Jaaliyada kasoo jeeda gobolka Baay iney qayb libaax ka qaataan dadaalada uu maamulkiisu ku doonayo in sare loogu qaado adeegyada Caafimaadka ee Cisbitaalka Baydhabo uu u hayo shacabka gobolka Baay.
Cabdi Aadan Hoosow gudoomiyaha gobolka Baay ayaa hoosta ka xariiqay in wixii ka danbeeyey markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya ay u istaageen kaalinta sare u qaadista adeegyada caafimaadka gobolada dalka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan qurbaha,wuxuuna ku canaantay in Jaaliyadaha gobolka Baay ay ka gaabiyeen kaalintii looga fadhiyey iney ka ciyaaraan hawlaha Caafimaadka gobolka.
Wuxuuna ku booriyey iney ku dhiiradaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen sare u qaadista adeegyada Caafimaadka Cisbitaalka guud ee magaalada Baydhabo oo ay xiligan ku jiraan bukaano badan oo la ildaran xanuunno kala duwan,wuxuuna ku guubaabiyey Jaaliyadaha reer Baay ee ku dhaqan wadamada Caalamka iney ku daydaan Jaaliyadaha kale ee dhiggooda ah kuwaas oo uu sheegay in markii ay meel ku ogaadeen adeegyada caafimaadka deegaanadooda ay hada u istaageen iney dhisaan garoonada goboladooda