Muqdisho(RBC Radio) Ururada Iskaashatada Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ka hadlay saameynta ay shaqaalaha ku yeelatay sare u kaca Maciishada iyo hoos u dhaca sarifka lacagaha qalaad gaar ahaan doolarka Mareykanka gudoomiyaha Iskaashatada Shaqaalaha Soomaaliyeed Max’ed Cismaan Xaajo oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dhibaato weyn ay shaqaalaha ku yeelatay arintaasi.
Gudoomiyaha isutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa tilmaamay dhibaatooyinka ay shaqaaluhu kala kulmeen wuxuuna sheegay in shaqo la’aan baahsan ay ka dhalatay hoos u dhaca sarifka,wuxuuna intaa ku daray iney joogsadeen dhismihii iyo horu markiin ka socday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Max’ed Cismaan ayaa sidoo kale tibaaxay in dhibaatooyinka ka dhashay qiimo dhaca sarifka doolarka ay ka mid yihiin sare u kac ku yimi lacagaha lagu raaco gaadiidka daweynaha kadib markii uu kacay qiimaha shidaalka,carruur seegay waxbarashadooda kadib markii ay waalidiintu awoodi waayeen in biilka ay qaataan ay u qaybiyaan biil iyo bixinta waxbarashada carruurtooda iyo dhibaatooyin kale oo aan lasoo koobi karin.
Gudoomiyaha Isutagga shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ku taliyey si looga boxo dhibaatada ka dhalatay sare u kaca Maciishada iyo qiima dhaca sarifka doolarka in dowlada Soomaaliya ay qaado tallaabooyinka ay ka mid yihiin in dgamaan ,mushaharaadka shaqaalaha dowlada rayidka ah iyo ciidamada lagu bixiyo shilin Soomaali,in la sameeyo Sariflayaal sharciyeysan oo hoostaga Bangiga dhexe in canshuuraha dalka lagu qaado shilinka Soomaaliya iyo in dowlada Soomaaliya ay dalka Keento lacag shilin Soomaali ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho