Kismaayo(RBC Radio) Taliska amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa beeniyey in Barre Aadan Shire Hiiraale uu ciidan hubeysan la galay gudaha magaalada Kismaayo Maxamuud Qaalib taliyaha amniga maamulka kumeelgaarka ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Barre Hiiraale uu ciidan la galay magaalada Kismaayo.
Wuxuuna beeniyey wararka sheegaya in magaalada Kismaayo ay isku horfadhiyaan ciidan uu hogaaminayo Barre Hiiraale iyo ciidanka amniga maamulka kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo,Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in Barre Hiiraale uusan wadan Ciidan hubeysan markii uu gudaha u galay magaalada Kismaayo.
Taliyaha amniga Kismaayo Qaalib ayaa sheegay in Barre Hiiraale ay wehlinayeen markii uu gaaray magaalada Kismaayo 2 askari oo ilaaladiisa gaarka ah ah sida uu tilmaamay,wuxuuna meesha ka saaray in magaalada ay ku sugan yihiin ciidan ka amar qaata Barre Hiiraale.
Magaalada Kismaayo oo uu dhawaantan gaaray Barre Aadan shire Barre Hiiraale ayaa waxaa kasoo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan tagida Barre ee Kismaayo iyo ujeedooyinka ka danbeeya,walow uu isagu sheegay inuusan Kismaayo u tagin hurinta colaad ka dhacda magaaladaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho