Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo sheegtay iney wada shaqan la yeelaneyso wasaarada arimaha dibada Kenya

$
0
0

Nairobi(RBC Radio) Safiirka Soomaaliya ee wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa sheegay in safaarada Soomaalida ee dalka Kenya ay xiriir  wanaagsan la yeelan doonaan wasaarada arimaha dibada dalka Kneya si ay uga wada shaqeeyaan arimaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas oo ay ka mid yihiin boqolaalka kun ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Safiirka  Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay iney ku rajo weyn yihiin xiriir wanaagsan oo ay la yeesheen wasaarada arimaha dibada Kenya kadib markii xilka wasiirka arimaha dibada Soomaaliya loo magacaabay Gabadh Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaanka Siiyelow ee dalka Kenya.

Ameerika ayaa sheegay iney ka wardhowrayaan in baarlamaanka Kenya ay meel mariyaan Aamino oo loo magacaabay wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya ,wuxuuna shaaca ka qaaday in hadii la ansixiyo in Aamino ay qabato xilkaas.

Wuxuuna daboolka ka qaaday iney xiriir wanaagsan la yeelan doonaan wasaarada arimaha dibada isla markaane ay ka wada shaqayn doonaan arimaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya,Ameerika ayaa sheegay iney ku rajo weyn yahay iney xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya Safaarada Soomaaliya iyo wasaarada arimaha dibada Kenya.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles