Marka(RBC Radio) Maamulka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa baaq u diray dowlada Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka bixiya,gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Cali Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in degmadaas dadka ku dhaqan ay haystaan xaalado nololeed oo aad u liita.
Gudoomiye Yariisow ayaa ka dalbaday madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya iney ka jawaabaan dhibaatada ka jirta degmada Marka iyo deegaanada hoos yimaada oo uu sheegay iney xaalado nolol xumo ay ku haysato qoysaska ku nool halkaas,Wuxuuna tilmaamay in degmadaas uu fatahaad ka sameeyey wabiga Shabeelle.
Wuxuuna intaa ku daray in dad fara badan oo kasoo barakacay deegaanadooda ay maciin bideen iney Marka usoo hayaamaan kadib markii ay saameeyeen Fatahaadaha wabiga Shabeelle,Yariisow ayaa tibaaxay in kumanaan qoys ay ku dhibaateysan yihiin deegaanada Buufow iyo “Waa Cuneynaa waa cuneynaa” ee duleedka magaalada Marka.
Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Cali Yariisow ayaa sheegay in dadka ku tabaaleysan degmadaas ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah si loo samata bixiyo nolosha dadkaasi,wuxuuna ku celceliyey in dowladu ay il gaar ah ku eegto dhibaatada baaxada leh ee haysata shacabka ku dhaqan degmada Marka iyo nawaaxigeeda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho