Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Midowga Yurub oo Cambaareeyey weerarada lala beegsado masuuliyiinta Garsoorka Soomaaliya

$
0
0

Brussles(RBC Radio) Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaaday iney aad uga xun yihiin falalka amni xumo ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaas oo lagu bartilmaameedsado dadka ka haqeeya garsoorka Soomaaliya oo uu ugu danbeeyey dilkii kooxo hubeysan ay u geysteen ku xigeenkii  garyaqaanka dowlada Axmed Maalin Sheekh Nuur.

Haweeneyda ururka midowga Yurub u qaabilsan siyaasada arimaha dibada Katrina Ashton ayaa sheegtay iney ka xun yihiin beegsiga lagu hayo dadka ka shaqeeya hay’ada garsoorka dalka Soomaaliya,waxayna si kulul u cambaareysa weerarada lagu qaadayo masuuliyiinta garsoorka Soomaaliya.

Katrina Ashton ayaa shaaca ka qaaday in midowga Yurub ay dajiyeen qorshayaal cusub oo ay gacan kaga geysanayaan soo celinta xasiloonida wadanka Soomaaliya iyo adkeynta amniga hay’adaha dowlada,waxayna ballan qaaday in midowga Yurub uu si buuxda u garab taaganaan doono dowlada Soomaaliyeed.

Ashton ayaa daboolka ka qaaday in weerarada fulaynimada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ineysan hakin doonin taageerada wadamada reer Yurub ay siinayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles