Boosaaso[RBC Radio] Urur Siyaasadeedka Horcad oo kamid ah Ururada Siyaasada Puntland ayaa maanta shaaca ka qaaday ineysan marnaba ka qeybgaleyn Doorashooyinka Dawladaha hoose Puntland ee lagu wado in ay ka dhacaan bisha June deegaanada Puntland.
Urur Siyaasadeedka Horcad ayaa ku biiraya Ururada Midnimo iyo Udad kuwaas oo horey u qaadacay ka qebgalka doorashooyinka Dawladaha hoose ee Puntland,waxaana iminka isugu soo haray PDP,Wadajir iyo Ururka Horseed.
Afhayeenka Ururka Horcad Axmed Yaasiin oo Raxanreeb Online soo gaaray Qoraal kooban oo Ururkoodu kaga hadlaayo qaadacaada Doorashooyinka Dawladaha hoose ee Puntland,wuxuu sheegay in arrimo badan oo lagu ballansanaa la hareer maray isla markaana lagu talagalay in Musuqmaasuq la sameeyo.
Waa Kan Haddaba Qoraalka uu nasoo gaarsiiyey Afhayeenka Ururka Horcad Axmed Yaasiin:
__________________________
Khilaaf xoogan ayaa hareeyey hanaan socodka doorashoyinka puntland kuwaas oo salka ku haya qaabkii ay u dhicid lahayd doorashooyinka puntlnad oo la marin habaabiyey iyo balamihii la qaaday in doorashada ka hor la hirgaliyo dhamaan qodabadii lagu heshiiyey in la sameeyo doorashada ka hor oo la garab maray waakan af hayeenka ururuka Hor-cad Ahmed Yaasiin oo ka war bixinaya qaabkii uu ku yimi khilaafku
Waxaa la yiri meyd keebaa ugu dameeyey, kaas la sii sido , hadaba sheekadu waa taasoo kale
Ururka hor-cad wuxuu ka mid yahay ururadii afarta ahaa ee ka tanaasulay labada qodob ee ay gudiga doorashiynku ka saareen xeerka Doorashada Goloyaasha deegaanka Puntland iyagoo u sababeeyey in aan loohaynin wakhti iyo dhaqaale lagu hirgaliyo labadan qodob
Hadaba tanaasulka oo ahaa mid dhib badan waxaa la isku afgartay in qodobo badan oo loo arkay hanaan socodka doorashooynka Puntland la hirgaliyo doorashada ka hor waxaa dhacday in malintii arbacada lagu casumay dhamaan ururada Siyaasada Xarunta Gudiga Doorashooyinka Puntland ,waxaanan sugaynay in naloo sheego wakhtiga lagu dhawaaqi doono maxkamadii dastuuriga ahayd iyo wakhtiga ay dhici doonto kala xadaynta degmoyinka , iyo qodobo kale oo dhaantood lagu heshiiyey in hirgaliyo doorashada ka hor
Waxaa dhacday furitanka kulanka kadib in la qaybiyo waraaqo ay ku qoran yihiin hanaan socodka doorashada oo jadwalkii hab dhaqanka oo kaliya, hadaba ururada goobta iskugu yimi ayaa waxay kila ahaayeen ururuka HOR-CAD ,HORSEED,PDP , WADAJIR , Waxaa ururuka horcad ayaa waydiiyey su aalo ku aadan wakhtiga la dhisi doono maxkamda dastuuriga ah iyo wakhtiga ay dhici doonto kala xadaynta degmoyinka madaama jadwalku uu yahay mid isku dhow dhow oo aan lahayn wakhti lagu qabto howlashaas kor kuxusan oo dhan ,
Gudoomiyaha gudiga doorashoyinka ayaa ku jawaabay dhib malahan wixii nooqabsoomi kara ayaan qabanaynaa taasina waxay nagu noqotay ka urur ahaan mid aan la qaadan Karin waxaana noo muuqatay in aan wax dan ah laga lahayn jiritaanka Puntland ee la doonayo kaliya musuq maasuq in ay ku dhacaan wax walba,
sidaas daraadeed waxaan dib ugu soo noqonay golihii dhexe ee ururka Hor-cad waxaana noo bilowday shir balaaran oo ay xubnuhu uga yimaadeen dhamaan Gobolada oo dhan , waxanan go aan ku gaarnay in aanan ka qaybgalin doorashada Goloyaasha deegaanka , Pntland
Hadaba kulanka go aanka lagu gaaray ayaa ahaa mid ay joogaan xubnaha Golaha dhexe ee urur siyaasadeedka HOR-CAD waxaana talo loogu soo jeediyey shacabka reer puntland in ay ilaaliyaan xasiloonida dalka ay muujiyaan dareenkooda ay ku diidan yihiin hanaan socodka nidaamkan faashilka ah iyagoo ugu baaqay Mudaharaad nabad galyo ah in ay iskugu soo baxaan Magaalooyinka waa weyn ee Puntland .
____________________________
RBC Radio Xafiiska Boosaaso