Washington(RBC Radio) Dowlada wadanka Mareykanaka ayaa sheegtay iney taageereyso wada hadalada u socda dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland war kasoo baxay wasaarada arimaha dibada dalkaas ayaa lagu sheegay in dowlada Mareykanku ay taageero buuxda la garab taagan tahay wada hadalada u bilowday dhinacyada Soomaaliya
War saxaafadeed kasoo baxay kaaliyaha xog-hayaha arimaha dibada dalka Mareykanka haweeneyd la yiraahdo Wendy Sherman’s ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu taageerayo midnimada umada Soomaaliyeed.
Wakaalada wararka dalka Kuweyt ee Kuna oo soo xiganeysa wada hadal Mareykanka ku dhexmaray Wendy Sherman’s iyo madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maaxmed Maxamuud Siilaanyo ayaa qortay in Sherman’s ay Siilaanyo u sheegtay in Mareykanku uu taageerayo midnimada umada Soomaaliyeed iyo sidii ay nabad waarta uga dhalan lahayd dalka Soomaaliya.
Kaaliyaha xog-hayaha arimaha dibada Mareykanka Wendy Sherman’s ayaa u ballan qaaday madaxweynaha Soomaaliland iney kala shaqaynayaan dhinacyada Amniga,Dimuquraadiyada iyo la dagaalanka ururka alshabaab ee dagaalka ka wada gudaha dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho