Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Max’uud Axmednuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in barakacayaasha laga saari doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Tarsan ayaa sheegay inaan la aqbali karin in gudaha magaalada caasimada ay ka dhisnaadaan aqalada cooshadaha ah ee ay ku nool yihiin barakacayaasha ku jira xeryaha kuyaalla magaalada Muqdisho.
Max’ud Axmednuur Tarsan ayaa sheegay in barakacayaasha ku dhex nool gudaha magaalada Muqdisho ay dhaawacayso bilicda,aamaanka iyo fayadhowrka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wuxuuna tibaaxay in carruurta Soomaaliyeed ay ku dhaqan xeryaha barakacayaasha ay haystaan dhibaatooyin caafimaad darro ka dhalatay wasaqda taalla xeryaha barakacayaasha.
Tarsan ayaa sheegay inuu meel gabagabo ah marayo qorshe ay wadaan dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo barakacayaasha bannaanka looga saarayo magaalada Muqdisho,wuxuuna sheegay in la dejin doono deegaano ku habboon nolosha aadanaha,isagoona intaa ku daray iney dhawaan gabi ahaanba barakacayaasha ka saari doonaan xeryaha ku yaalla gudaha Muqdisho.
Kumanaan barakacayaal ah ayaa dhexdaadsan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada iyadoona xaafad walba ay kaaga muuqanayaan aqalada ka smaysan bacaha iyo cooshadaha kuwaas oo ay ku noolyihiin barakacaasha ku nool Muqdisho arintaas oo dhibaato ku haysa Bilicda,faamimaadka iyo amniga magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho