Kismaayo(RBC Radio) Gudoomiyaha alshabaab u qaabilsan gobolada Jubooyinka Sh Xudeyfa ayaa ka hadlay arinta ku saabsan ciidamada dhawaan gaaray magaalada Kismaayo iyo xaalka guud ee gobolada Jubooyinka Xudeyfa oo la hadlayey warbaahinta ku hadashada afka alshabaab ayaa sheegay in maalmihii danbe ay magaalada Kismaayo kusii qulqulayaan ciidamo uu sheegay iney u shaqeeyaan cadowga umada Soomaaliyeed kuwaas oo uu tilmaamay iney qarka u saaran yihiin iney ku dhex dagaalamaan dadka shacabka ah sida uu sheegay.
Sh Xudeyfa ayaa sheegay in shacabka magaalada Kismaayo ay xiliga haysato dhibaato ba’an oo ay ku hayaan ciidamada Kenya,Raaskaambooni iyo kuwa dowlada Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in alshabaab ay qorsheynayaan sidii ay shacabka magaalada Kismaayo uga dulqaadi lahaayeen gumeysiga qabsaday sida uu hadalka u dhigay.
U qaabilsanaha ururka alshabaab gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in shacabku ay sabraan isla markaane ay muddo kooban kula wareegi doonaan magaalada Kismaayo isagoona tilmaamay iney dagaal ku yihiim xarunta gobolka Jubada hoose ee Kismaayo oo bishii September awood looga saaray.
Alshabaab ayaa ku hawlan iney ka faa’iideystaan Khilaafka iyo mugdiga soo kala dhexgalay ciidamada uu hogaamiyo Axmed Max’ed Islaam oo ah hogaamiyaha ururka Raaskaambooni hana gudoomiyaha maamulka kumeelgaarka ah iyo ciidan kasoo kicitimay gobolka Gedo sheegayna iney hoostagaan dowlada Soomaaliya kuwaas oo gaaray magaalada Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho