Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Askar Weerar hubaysan ku qaaday xarunta Wargeys Hargeysa ka soo baxa oo Madaxtooyada Somaliland lagu eedeeyey

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Laba Askari oo ka tirsan Booliska Somaliland, ayaa xalay weerar hubaysan ku qaaday Wargeyska Hubaal oo ka mid ah Wargeysyada madaxa-bannaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, kuwaasoo dhaawac soo gaadhsiiyey Guddoomiyaha Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), ayey hawl-wadeennada kala duwan ee Wargeysku ku guulaysteen inay mid ka mid ah labadaa nin gacanta ku dhigaan.

Labada Askari oo ka tirsan Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa ku hubaysnaa laba Baastooladood, laba Bakooradood, waxaanay soo xidheen wejiyada si aan loo garan, kuwaasoo dagaal ku bilaabay Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), ayey shaqaalaha Wargeysku dagaalka dhex-maray ka dib, waxay ku guulaysteen inay mid ka mida labadaa Askari ee soo weeraray, kaasoo ay u gudbiyeen Ciidammada Booliska, isla markaana hadda ku xidhan xarunta qaybta baadhista Dembiyada ee Booliska ee loo yaqaanno C.I.D-da ee magaalada Hargeysa oo su’aalo lagu weydiinayo ninkaas.

Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiska Wargeyska ee Caasimadda Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka weerarkaasi u dhacay iyo cidda ay u tuhunsan yihiin, waxaanu yidhi; “Xalay abbaaro 11:00-kii habeennimo iyo wax-yar markay saacaddu ahayd, ayay Kidinka nooga soo galeen laba nin oo Wejiyada cumaamado ku soo duubtay, isla markaana Bakoorada sita. Markay I arkeen intay Diinta caayeen ayey yidhaahdeen waakan, dabadeedna Bakoorad buu midkood doonay inuu igu dhuftay, gacantaan isaga dhigay, mar labaad buu igu celiyey gacanta ayuu igaga dhuftay, markaa gacantu way I jabtay.”

“Markaa, waxbaannu qoraynay, Inan ila fadhiyey ayaa markaa kacay oo yidhi; ‘waar waa sidee, dabadeedna Baastoolado ayey nimanku ku hubaysnaayeen, markaan bakooraddii iskaga duubay ee aan isku dayey inaan qabto ninkan kii labaad baa baastooladda igu riday, nasiib-wanaag-se igumay dhicin oo Illaahay baa iga duway gidaarkaas bay ku dhacday. Labadii nin midkood wuu baxsaday, midna aniga iyo shaqaalihii kale ee Wargeyska waxaannu ku guulaysannay inaannu qabanno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Hubaal Mr. Caloolay.

Waxaanu Guddoomiye Caloolay oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray; “Ninkaas aannu qabannay Taleefankiisa gacanta (Mobile-ka) waxaa laga helay lambarradii u dambeeyey ee uu xidhiidhka la sameeyey, waxaa ka mid ah Saakiil Madaxtooyada ka tirsan oo uu ka mid yahay Agaasimaha gaadiidka madaxtooyada Somaliland. Ninkaas ciidanka Booliska ayaannu ku wareejinnay, waa la xidhay, welina baadhistii-baa socota, annagana wixii su’aalo nala weydiinayey waa nala weydiiyey maanta.”

Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo la weydiiyey cidda ay u tuhunsan yihiin weerarkaas oo ay caddadkii maanta soo baxay ee Wargeyska Hubaal ku qoreen in madaxtooyadu ka dambayso iyo waxay ku caddaynayaan, waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Saxaafadda lafteedu sida Booliska iyo C.D.I-da ayey wax u baadhhaa oo qaybaynu ka nahay wax baadhista. Markaa, aad baannu u dareensannahay cidda na soo weerartay iyo meesha nalaga soo hujuumay…..”

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee weerar sidan oo kale u abaabulan Askar ka tirsan Booliska Somaliland ku qaadaan mid ka mid ah Xarumaha Wargeysyada madaxa-bannaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa. Inkasta oo ay mar kasta dhacdo in Ciidammo xarumaha Warbaahinta madaxa-bannaan galaan, isla markaana Masuuliyiinta iyo Weriyeyaasha ka xidh-xidhaan, hase ahaatee, waa markii koowaad ee weerar lagu bartilmaameedsanayo Maamul Wargeys ka dhaco Hargeysa.

Tan iyo intii ay talada Somaliland qabatay Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 27 Julay 2010, waxa Weriyeyaasha ka hawlgala Hay’adaha warbaahinta ee madaxa-bannaan lagula kacay tacaddiyadii ugu badnaa, isla markaana waxa Xabsiyada loo taxaabay Weriyeyaal boqol ku dhaw. Waxaana markii ugu horreysay intay Xukuumaddani jirtay Somaliland ka dhacday in Weriye dil qorshaysan oo uu ku naf-waayey lagula kacay, kaasoo ahaa Allaah ha u naxariistee Weriye Marxuum Axmed Saakin oo ka hawlgeli jiray TV-ga Universal oo uu uga warrami jiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasoo 2012-kii lagu dilay isla Laascaanood.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles