Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir Hordhac u ah Shirka London oo Ay Ka Qaybgaleen Hay’adaha Iyo Dawlada oo Muqdisho Lagu Qabtay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Shir diirada lagu saaray dib usoo kabashada xaaladaha Bina aadaninimo ee  dalka Soomaaliya iyo arimaha shirka 7 bisha May ka furmaya  dalka Ingiriiska oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya iyo saraakiil ka socota hay’adaha Qaramada Midoobe ee dalka ku sugan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga arinsanayey sidii loo dardar galin lahaa dib u soo kabashada Soomaaliya oo kasoo kabaneysa burburkiin iyo dagaaladii dalka ragaadiyey ayaa waxaa sidoo  kale looga wada hadlay waxyaabaha mudan in la hordhigo shirka bisha soo socota Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Maxamed Cabaade oo ka mid ah masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo xoojin lahaa soo kabashada  xaaladaha aadaninimo ee dalka   Soomaaliya oo soo hagaagaya.

Raxmo oo iyane ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha dalka ka hawlgala ayaa iyane tilmaantay in daraasaad lagu sameeyey xaaladaha dalka Soomaaliya ay muujineyso dib usoo kabashada Soomaaliya oo si xawli ah ku socota,shirka maanta ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaaday arimaha shirka magaalada London uga furmaya qaybaha Soomaalida kaasoo taageero loogu raadinayo dalka Soomaaliya.

Dhammaan ka qaybgalayaasha shirka ayaa isku raacaya in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso dhibaatadii  bini aadaninimo ee dalka ka dhacday 22-kii sano ee ina dhaafay oo dalku uu kusoo jiray dagaalo sokeey,Fowdo iyo kala danbeyn la’aan.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles