Muqdisho (RBC) Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa haatan ka socda kulan albaabadu u xiran yihiin oo dhexmaraya madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska William Hague oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa bilawday kadib markii ay soo gabagabowday munaasabad xariga looga jaray safaaradda cusub ee dawlada Ingiriiska ku yeelaneyso magaalada Muqdisho taasoo xafiis cusub ka sameysatay gudaha xerada Xalane ee taliska u ah ciidamada AMISOM halkaasoo madaxda dawlada Soomaaliya ay saaka kaga qeybgaleen xaflada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii xafladu dhammaatay kadib kulan irdaha loo xirtay la yeelanaya wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska oo weli ku sugan Muqdisho. Waxaana kulanka ka qeybgalaya wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Wariyaasha ku sugan goobta uu kasocdo shirka ayaa sheegaya in waxyaabo ku saabsan shirka London ee dhici doona 7-da bisha May looga hadlayo kulankan irdaha u xiran yihiin ee haatan ka socda Muqdisho.
Waxaa lagu wadaa in marka uu kulanku dhammaado kadin ay si wadajir ah saxaafadda ula hadlay dhinacyada shiraya.
Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska iyo wafdi la socda saaka ayey soo gaareen magaalada Muqdisho, waxayna kulan la yeesheen raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wasiir Fawsiyo Yuusuf, waxayna markaasi kadib xariga ka jareen xafiiska cusub ee noqonaya safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho maanta 23 sano kadib dib u shaqo bilawday.
RBC Radio