Baydhabo(RBC Radio) Maamulka gobolka Baay ayaa sheegay in amniga magaalada Baydhabo uu yahay mid sugan gudoomiyaha maamulka gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in amniga magaaladaas uu yahay mid wanaagsan,wuxuuna sheegay in amniga ay iska kaashadaan ciidamada Amaanka iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Maamulka gobolka Baay ayaa sheegay in dhamaan xaafadaha magaalada Baydhabo ay leeyihiin ciidamo gaar ah oo suga amniga magaalada kuwaas oo uu sheegay iney yihiin ciidan madani ah isagoona tilmaamay in abaabulka ciidankaas ay iska kaashadeen shacabka iyo maamulka magaalada Baydhabo.
Maamulka gobolka Baay ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in amniga magaalada Baydhabo uu yahay mid kasiii daraya isla markaane ay ka jiraan falal amni darro oo isa soo taraya wuxuuna ku tilmaamay arinkaasi mid ay buunbuuninayaan dad kasoo horjeeda amniga iyo hopru marka magaalada Baydhabo,maamulka gobolka ayaa sheegay in nabaddu ay tahay faa’iidada qof walba oo ku dhaqan magaalada Baydhabo isla markaane ay shacabka waajib ku tahay iney ilaashadaan.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maalmihii danbe ka dhacayey weeraro toos ah iyo qaraxyo bambaano oo lala eeganayey ciidamada Itoobiya iyo kuw adowlada Soomaaliya ee ku sugan magaaladaas,waxaana lagu eedeeyaa iney falalkaas ka danbeeyaan alshabaab oo awood ciidan looga fara maroojiyey gacan ku haynta magaalada Baydhabo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho