Caabudwaaq(RBC Radio) Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ka deyriyey xaaladaha nololeed ee barakacayaasha ku sugan degmadaas gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Axmed Jaamac ayaa sheegay iney xaalad adag soo foodsaartay barakacayaasha ku jira xeryaha barakacayaasha degmadaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay iney saameyn ba’an ku yeesheen barakacayaasha Roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay degmadaas,wuxuuna tilmaamay in daadadka ka dhashay roobabkaas ay gabi ahaanba burburiyeen intii badneed aqaladii cooshadaha ka samaysnaa ee ay dadkani hoyga ka dhiganayeen,xiligane ay bannaanada daadsan yihiin.
Axmed Jaamac ayaa sheegay in barakacayaashaasi ay hada ku dhibaateysan yihiin wadooyinka magaalada Caabudwaaq isla markaane aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta roobbabka da’aya.
Gudomiyaha ayaa tilmaamay in shalay ay degmadaas gaareen saraakiil ka socota hay’adaha gar gaarka qaramada midoobe kuwaas oo uu sheegay iney u kuurgaleen xaaladaha ay dadkaasi ku sugan yihiin,wuxuuna intaa ku daray in saraakiisha qaramada midoobe ay ballan qaadeen iney gargaar deg deg ah la gaarayaan dadka ku tabaaleysan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho