Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo ka wada hadlay arimaha Soomaaliya

$
0
0

Nairobi(RBC Radio) Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa ka wada hadlay arimaha dalka Soomaaliya kulan ay magaalada Nairobi ku wada yeesheen madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo R/wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayey ku lafa gureen xaaladaha amni ee  dalka Soomaaliya.

Labada masuul ayaa waxay si qota dheer uga hadleen arimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan sidii garab buuxa loo siin lahaa dowlada cusub ee Soomaaliya si ay u hanato  sugida amniga dalka Soomaaliya,waxayna sidoo kale go’aan mideysan ka qaateen la dagaalanka alshabaab oo qatar ku ah amniga gudaha wadamadooda.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay  in dalkiisu uu ku dadaalayo in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda dib isugu taagto,kana baxdo fowdada iyo amni la’aanta ku raagtay dalka Soomaaliya,R/wasaaraha dalka Ethiopia  Hailemariam Desalegn ayaa isne dhankiisa sheegay  nabad ka dhalata dalka Soomaaliya ay dan u wada tahay dalalka gobolka,sidaas darteedne ay waajib ku tahay iney dadaal dheer u galaan sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya.

Dowlada Ethiopia iyo Kenya ayaa si weyn ugu lug leh siyaasada iyo amniga dalka Soomaaliya,waxaana labadan dalka kaga sugan gudaha Soomaaliya kumanaan ciidan oo ay sheegeen iney ku taageerayaan dowlada Soomaaliya isla markaane ay kula dagaalamayaan alshabaab oo qatar ku ah amniga wadamadooda.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles