Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Kulan looga arinsanayey amniga gobolka Hiiraan oo Beledweyne lagu qabtay

$
0
0

Beledweyne(RBC Radio) Kulan ballaaran oo ay ka qayb galeen saraakiisha AMISOM,Saraakiisha ciidamada Ethiopia,Saraakiisha ciidanka xooga dalka,Maamulka gobolka Hiiraan,Gudiga amniga gobolkaas iyo waxgaradka Hiiraan oo looga hadlayey adkeynta amniga gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ugu haboon ee loo sugi karo amniga gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Beledweyne oo maalmihii danbe ay ka dheceen falal lagu qalqal galinayey amniga magaaladaas oo soo hagaagay tan iyo wixii ka danbeeyey markii ay gaareen cutubyada ka tirsan ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Cali-dhuux Cabdi Mahad alla taliyaha ciidamada booliska gobolka Hiiraan ayaa tafaasiil ka bixiyey go’aano kasoo baxay kulanka ay magaalada Beledweyne ku yeesheen saraakiisha ciidamada kala duwan ee ku sugan halkaa,wuxuuna tilmaamay in go’aamada kasoo baxay kulanka ay ka mid ahaayeen in halmeel looga soo wada jeesto dadka ku hawlan falalka amni xumo ee ka dhaca magaala Beledweyne.

Mahad Alla ayaa daboolka ka qaaday in sidoo kale kulankaas lagu go’aamiyey in dhammaan la Koontaroolo gaadiidka iyo waxyaabaha kale ee gudaha usoo galaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si loo xaqiijiyo amniga xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Hiiraan  ayaa hoosta ka xariiqay in Beledweyne ay ku taallo goob istaraatiiji ah oo ay sahlan tahay sugida amnigeeda,wuxuuna tilmaamay in tallaabooyinka ay qaadi doonaan ciidamada isgarabsanaya iney wax badan ka bedeli doonaan amniga magaalada iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles