Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid oo sheegay in weerarkii maxkamada gobolka Banaadir lagu tijaabinayey awooda dowlada

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha  dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday maxkamada gobolka Banaadir uu ahaa mid qatar ah oo lagu tijaabinayey awooda dowlada Soomaaliya milateri iyo siyaasad ahaanba,R.wasaaraha ayaa qiray in dowladu ay ku fashilantay ka hortagida weerarkaas oo galaaftay nolosha dad badan.

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha dalka ayaa tibaaxay in alshabaab ay weerarkaas uga gol lahaayeen iney ogaadaan isla markaane ay tijaabiyaan awood ay dowlada Soomaaliya u leedahay iney kaga hortagto weerarada nuucaas ah ee lagu naafeynayo umada Soomaaliyeed.

“Weerarka lagu qaaday maxkamada gobolka oo ku taalla halbowlaha Muqdisho waxa ay ahayd arin culus oo cadowgu uu ku doonayeey iney ku ogaadaan sida dowlada iyo shacabkeenu ay uga hortagi karaan falkaas,balse nasiib darro waxaan qirayaa in laga gaabiyey arinkaas” ayuu yiri R/wasaare Saacid.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray” Dibin daabyada ay argagixisadu ku hayso dowladnimadeenna curdanka ah waa mid muuqata una baahan in si wada jir ah looga hortago”.

R/wasaaraha ayaa hadalkan ka dhawaajiyey xili uu la hadlayey ciidamo fara badan oo tababar gaar ah ku qaata magaalada Muqdisho kuwaas oo loogu tala galay sugida amniga caasimada Muqdisho oo xiliyada qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles