Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh:Alshabaab waxay umada u geysteen dhibaato ka daran dilka iyo qarxinta

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey in alshabaab ay ku hayaan umada Soomaaliyeed dhibaatooyinka qarsoon Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ururka alshabaab dilalka qorsheysan iyo qaraxyada dhibaato ka qoto dheer iney ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in alshabaab ay carruur badan oo Soomaaliyeed seejiyeen tallaalka carruurta oo hadii ay qaadan lahaayeen  ay ku badbaadi lahaayeen kuwaas oo u geeriyooday xannuuno ay sahlaneed Tallaalkoodu ,wuxuuna alshabaab ku tilmaamay iney yihiin cadow usoo tafa xayta iney xididada usiibaan umada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa intaa ku daray in alshabaab ay gurmadkii adduunyadu u fidin lahayd kumanaan qoys oo abaaro ba”an ku saameeyeen deegaanadii ay ku sugnaayeen ay ka hor istaageen in gargaar lala gaaro halkaasne ay naftooda ku waayeen dad fara badan oo hadii gargaarka la gaarsiin lahaa noloshooda la samatabixin lahaa.

Madaxweynaha umada Soomaaliyeed ayaa ku celceliyey sida ay dowladiisa uga go’an tahay ciribtirka alshabaab oo uu ku sheegay cadowga koowaad ee shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo nolol iyo horumar intaba aan u ogoleen bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed iney ha meel uga soo wada jeestaan dabar goynta alshabaab.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles