Taddayunkii ka dhashay, dagaalka sukeeye.
Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com
Maarso 11 2013
Dagaalkii sukeeyo iyo guud ahaan duruufihii adkaa ee haleelay shacabka soomaaliyeed, waxaa ay isbadal mug weyn leh ku sameyeen, hab dhaqankii iyo fikirka bulsho weynta soomaaliyeed, waxaana la oran karaa, waxaa lagaa laga guuray dhaqama soo jireen ahaay, waxaa sidoo kale la qaatay dhaqamo cusub ama wax badan lagu siyaadiyay.
Is badalkaa taabtey dhinacyo badan, waxaa ugu weyn, midka haleelay taddayunka, waxaana muddo gaaban gudahood, shacabka Soomaaliyeed laga dareemay is badal xoog leh, oo waliba xawaare sare ku socdo, waxaa xijaab qaatay dumarkii yar iyo weyn, waxaa camirmay oo waliba la waayay meel lug laga dhigo masaajiddadii haawan jiray, waxaa xoogeystay barashadda afka iyo thaqaafadda carbeed, waxaa meesha ka baxay magacyadii ka soo jeeday dhaqan soomaaliga, intaa waxaa dheer buldshaddii u qeybsanaan jirtay, wadaad iyo waranle oo wadaad wada noqotay inteeda badan.
Taddayunkii shacabka ee ka dhashay duruufahii adkaa ee dagaalka, waxuu yeeshay dul-duleelo il ma seegt ah, shacabka soomaaliyeed, markii uu dhanka diinta u soo qaxayay, kama uusan soo tagin, dhaqan jaahiliyeed badan oo uu lahaay, halkaana waxaa ka dhashay, isku dhac u dhaxeeyo dhaqanka islaamka iyo dhaqan soomaaliga oo meelo badan ka mid ah, aysan tootal is qaadan karin, waana tan keentay in maanta aan aragno wax badan oo naga yaabiyo.
Waa sheey dabiici/fidhri ah, in dadka u cararaan dhanka diinta marka uu culeys imaado, Quraanka waxaa jiro meelo uu uga hadlayo, gaar ahaan gaaladdii hore ee carabta, marka ay baddu ku kacdo, waxaa ay baryi jireen Alle oo qura, marka ay barriga soo gaaraanna, waxaa ay bilaabi jireen in ay Alla la wadaajiyaan cid kale, marka in shacabka soomaaliyeed u qaxo dhanka diinta islaamka, waa arrin laga filayay, laakin waxaan meesha ku jirin, in diinta la loodiyo, sidoo kale loo ekeysiiyo qayb ka mid ah, mushkiladda haysato soomaaliya.
Hadaba, waxaa dowladda iyo guud ahaan culimada Soomaaliyeed saaran waajib ah, in bulshada Soomaaliyeed ee u soo qaxday dhanka diinta islaamka u sameeyaan dhaqan dajin ama dhaqan celin, oo la is waafajiyo dhaqanka iyo diinta, sidoo kale in bulshada lagu rabbaayadeeyo taddayun dhax-dhaxaad ah, si looga bad-baado is gaaleysiinta, waxaa kaloo muhiim ah, in dadka dadka diinta u sheegayo la hubiyo aqoonta ay diinta islaamka u leeyihiin, oo qofkii aanan caalim la yaqaan ijaaso ka haysan ama xarun diimeed sida Azhar iyo Madiina iyo kuwa la midka ah bulshada laga qabto.
Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM