MUQDISHO (RBC) Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ) wuxuu cambaareynayaa weerarka ciidamadaboolisku ku qaadeen wariyaal ku sugnaa bannaanka hore ee xarunta maxkamadda gobolka Banaadir Sabtidii, March 09, 2013 abaare 12:00 pm (waqtiga Muqdisho).
wariyaasha ayaa u yimid xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ka dib markii ay casuumaad ka heleen guddomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur si ay u tebiyaan xukun ka dhacayey maxkamadda laakiin amar uu bixiyey taliyaha saldhigga Afar Irdood ee degmada Xamarweyne Col. Maxamed Dahir ayaa ;agu jirdilay wariyaasha oo qaarkood si daran laad iyo feer looga soo saaray xarunta maxkamadda.
Wariyaasha jirdilku soo gaaray ayaa waxay kala yihiin; Maxamed Xasan Cali oo u shaqeeya idaacadda Simba, Sacdiyo Maxamed Xasan oo u shaqeysa SNTV iyo Raadiyo Muqdisho, Mustaf Cabdinuur Shafane oo ah Sawirqaade Idaacadda/ TV Shabeelle, C/fataax Maxamuud Siyaad “Arizona” oo u shaqeeya Horncable TV, C/laahi Cabdinuur Gacal oo ah filin-duube Horncable TV. Goor dambe ayaa waxay wariyaashu soo wargeliyeen ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ oo masuuliyiin ka mid ah ay goobta gaareen saacadu markay ahayd 12:30pm.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ Maxamed Ibraahim ayaa cabashada iyo dhibaatada soo gaartay kala xiriiray taliyaha amaanka maxkamadda gobolka Banaadir Major Cabbdullaahi Geedi oo isaguna ballanqaaday inuu talaabo anshax marin ah ka qaadi doono askarii jirdilka u geysatay wariyaasha, wuxuuna markiiba wariyaasha ku wargeliyey inay maxkamadda geli karaan oo ay shaqadooda qabsan karaan.
Nasiib darro markii suxufiyiintu ku soo laabteen xarunta maxkamadda ayna ku jiraan safka loogu soo gudbo maxkamadda isla askarigii jirdilka u geystay wariyaasha ayaa markiiba qori ka soo dafay askari kakle isagoo qorigii ku soo taagay wariyaasha, wuxuuna askarigaasi ku hanjabay inuu dili doono qof kasta oo maxkamadda soo gala. Masuuliyiinta NUSOJ waxay markaasi wariyaasha kula taliyeen inay goobta isaga tagaan amaankooda dartiis.
Markii ay suxufiyiintu ka dhaqaaqeen goobta iridka maxkamadda, ayaa xubno ka mid ah booliska saldhiga degmada Xamarweyne ee Afar Irdood waxaa la soo amray inay ceyrsadaan wariyaasha ayna xiraan. Iyadoo uu goobta joogo taliyaha saldhigga Afar Irdood Col. Maxamed Daahir oo ahaa ninkii soo amray jirdilka iyo xarigga, ayey ciidamadii booliska ahaa bilaabeen inay garaacaan wariyaasha itagoo qoryahooda ku taagayey kuwa isku dayey inay cagahooda ku baxsadaan. Ciidamadu waxay qaateen labo Kaamera iyagoo si xunna u jirdilay labo wariye oo kala ah Nuur Maxamed Barre oo ah sawirduube u shaqeeya Royal TV iyo Bile Mire Maxamed oo ay wariye u shaqeeya Radio Risaala.
Falkaasi waxaa kaloo dhaawac fudud uu ka soo gaaray C/rashiid Cabdulle Abiikay “Deyl” oo ah mafaxa maaliyadda Ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ oo iskudayey inuu soo dhexgalo xaalada xilli askari ka mid ah booliska uu jirdil ku hayey wariye, waxaana C/rashiid Deyl uu ka jabay farta dhexe ee gacanta bidix.
NUSOJ waxay arrinta dhacday iyo xariga foosha xun kala xiriirtay guddoomiyaha maxkamadda Dr. Xaashi Cilmi Nuur wuxuuna isaguna qirtay inuu isagu u yeeray wariyaasha si ay u tebiyaan xukun ka dhacayey maxkamadda isla markaana uusan ka warqabin waxa ka dhacay maxkamadda. Guddoomiyaha maxkamadda ayaa amray taliyaha saldhigga Afar Irdood inuu xoriyadooda u soo celiyo wariyaasha la xiray uuna siiyo qalabkii ay ka qaateen.
“Waanu cambaareyneynaa jirdilka iyo xariga soo laalaabtay ee ka dhanka ah wariyaasha, waana arrin sharci darro ah in si ula kac ah qori aad ku taagto suxufiyiint.” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Ibraahim, oo ah Xoghayaha Guud ee NUSOJ. “Waa in wariyaasha la tixgeliyaa loona fududeeyaa gudashada hawlahooda.” Ayuu sii raaciyey Xoghaha NUSOJ.
“Tani waxay si cad u muujineysaa xiriirka aadka u liita ee ka dhexeeya ciidamada booliska iyo bahda warbaahinta tan iyo wixii ka dambeeyay falkii carada weyn dhaliyey ee kufsiga ahaa ee loo geystay haweeney ka mid ah barakacayaasha, si kastaba, waa arrin wariyaashu dareemaan amaanmarka ay ku jirraan hawlahooda kana fog cabsi iyo cagajugleyn” ayuu yiri Maxamed braahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.
Dhacdo taas ka duwan, ciidamada boolisku waxay Khamiistii 07 March 2013 xireen, jirdil fool xunna u geysteen wariye Cabdullaahi Axmed Nuur oo ah wariye u shaqeeya Universal TV. Ciidamada booliska ee saldhigga Afar Irdood ee degmada Xamarweyne ayaa garaacay wariyaha iyagoo qoriga afkiisa ku gaarsiiyey dhaawac wariyaha ka gaaray wajiga, madaxa iyo dhabarka. Waxayna markii dambe xireen wariyaha mudo kooban isagoo dhiig ka da’ayo. Wariyahaasi ayaa markii dambe loo qaaday isbitaalka si loogu soo daweeyo.
Weerarada ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa weli sii socda tan iyo markii ciidamada boolisku ay xireen Jannaayo 10-keeda wariye madax bannaan Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” oo wareystay haweeney Soomaaliyeed oo sheegatay kufsi ay u geysteen rag hubeysan oo ku lebisnaa dharka ciidamada. Wariye Koronto ayaa la xiray isagoo ku guda jira hawshiisa wariyanimo, iyadoo maxkamada Rafcaanka ay toddobaadkii hore ka tirtay eedeymo ahaa inuu sameeyay sheegasho been abuur ah, haddana wariye Koronto weli wuxuu ku jiraa xabsiga, mana jirto wax qoraal rasmi ah oo ay maxkamadda Rafcaanka illaa hadda ka soo saartay xukunkii ay gaartay toddobaadkii hore.
RBC Radio
________________________________________
*War saxaafadeedkan waxaa na soo gaarsiiyey NUSOJ