Muqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa ka jawaabay eed ay usoo jeediyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo alshabaab ku eedeeyey iney galeen danbi dagaal dhawaan ayaa war ay soo saartay hay’ada Human Rights Watch ee u dooda xuquuqda aadanaha waxa ay ku sheegay weeraradii lagu qaaday maxkamada gobolka Banaadir oo ay alshabaab sheegteen masuuliyadiisa inuu ahaa danbi dagaal.
Sheekh Cali Maxamuud Raage Sh Cali-dheere oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa si kulul u dhaliilay hadalka kasoo baxay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha wuxuuna tilmaamay iney indhaha ka qarsadeen gumaadka loo geystay shacabka Soomaaliyeed oo aysan wax hadal ah kasoo saarin markii sida uu sheegay sida ba’an loo xasuuqay shacabka Muqdisho oo uu tilmaamay in lagu garaacay gantaalo aan loo meel dayin.
“Waan ognahay xuquuqda aadanaha waxay ula jeedaan xuquuqda dadka aan Muslimiinta ahayn,waan fahmi karnaa waxa ay afka la furteen hay’adahaasi waxaa taabtay xanuunka ku dhacay kuwii u adeegayey ee isku sheegayey garsoorka Soomaaliya” sidaasi waxaa sheegay Sh Cali-dheere afhayeenka alshabaab.
Sh.Cali-dheere ayaa ku tilmaamay dadkii ku dhintay maxkamada gobolka Banaadir iney ahaayeen kuwo u adeegayey cadowga umada Soomaaliyeed isla markaane ka hor yimi Kitaabka alle sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna hay’adaha u dooda xuquuqda aadanah ku sheegay kuwo ay samaynteen reer galbeedka isla markaane ay ka hadlin dhibaatooyinka lagu hayo muslimiinta sida uu tilmaamay.
Weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa naftooda ku waayey dad kor u dhaafaya ilaa 30 ruux oo intooda badan ahaa dad rayid ah,balse Sh.Cali-dheere ayaa qaba in dadka halkaa ku geeriyooday ay aysan ku jirin dad rayid ah dhammaantoodne waxa uu ku sheegay kuwo u shaqeeya waxa uu ugu yeeray cadowga Ilaahey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho