Beledweyne(RBC Radio) Taliska ciidamada ammaanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney bilaabeen hawlgalo ay kula dagaalamayaam Mukhaadaraadka Maanka-dooriya iyo dadka isticmaala taliyaha ciidamada booliska gobolka Hiiraan Cali-dhuux Cabdi Mahad Alla ayaa sheegay iney wadaan hawlgalo ay kula dagaalamaay Maandooriyaha iyo dadka isticmaala ee ku sugan gobolka Hiiraan
Cali-dhuux Mahad Alla ayaa tibaaxay in nabadgalyo xumidu ay ka timaado isticmaalka Maandooriyaha wuxuuna tilmaamay in hadii aan laga hortagin adeegsiga Mukhaadaraadka inaan amniga gacanta lagu dhigi karin,wuxuuna hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay hawlagallada kusoo qabqabteen dad fara badan oo ku hawlaan isticmaalka Maandooriyaasha kala duwan.
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney taageero siiso ciidanka booliska ee gobolka Hiiraan oo sida uu tilmaamay aan haysan inta badan agabkii ay u baahnaayeen si ay u gutaan hawsha ay bulshada u hayaan.
Wuxuuna dhanka kale shacabka gobolka Hiiraan ugu baaqay iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka isla markaane ay gacan ka geystaan dadaalada ay ciidamadu ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho