Dhadhaab(RBC Radio) Soomaalida ku dhaqan xeryaha qaxootiga wadanka Kenya ayaa waxaa soo food saaray cabsi iyo wel wel dhanka amniga ah qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in xaaladaha amni xumo ee ka jira xeryaha Dhadhaab ay faraha kasii baxayaan.
Maxamed Aadan oo ka tirsan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga Kenya ay lasoo daristay dhibaato amni xumo,wuxuuna tilmaamay in marka la gaaro Maqribkii uu qof walba hoygiisa galo,isla markaane uusan wax isu socod ah jirin xilida habeenkii ah.
Maxamed Aadan ayaa sheegay in dhibaatooyinka amni xumo ee haysta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab iney ka mid tahay afduub loo geysto dadka ku jira xeryaha,wuxuuna tilmaamay in xiliyadii hore uu afduubku ku koobnaa dadka u shaqeeyaha hay’adaha qaramada midoobe balse xiligan ayuu sheegay in dadka caadig ah la afduubanayo.
Mawaadinkan Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa ugu baaqay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryahaas iney ka shaqeeyaan amniga deegaankooda,wuxuuna dhanka kale ka dalbaday dowlada Kenya iney xil iska saarto ilaalinta nabadgalyada qaxootiga Soomaaliyeed ee martida ku ah dhulkooda.
Tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 ayaa waxaa gaaray dalka Kenya boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah kuwaas oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dilaacay,waxaana maalmihii danbe soo badanayey amni xumada lasoo derista qaxootiga Soomaaliyeed oo qaar badan oo ka mid ah ay dalka kusoo noqdeen kadib markii uu soo hagaagay amniga qaybo ka mid ah dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho