Boosaaso[RBC Radio] Odayaadha dhaqanka ee gobolka Bari ayaa ugu baaqay Culimada Diinta ee ku sugan deegaanada Puntland in ay kala qeybqaataan marka ay timaado dhexdhexaadinta Beelaha Colaadu ku dhexmarto Puntland.
Odayaasha Dhaqanka ee taladan usoo Jeediyey Culimada Puntland oo kor u dhaafayey ku dhawaad 20-Oday ayaa hadalkaan ka sheegay xili Aqoon Isweydaarsi Qabyaalada ku saabsan loogu qabtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Nabadoon Abshir Dhagcas oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Puntland ayaa ka codsaday Culimada Puntland gaar ahaana kuwa gobolka Bari in ay u Istaagaan sidii Odayaasha ugala qeybqaadan lahaayeen arrimaha Nabadeynta Beelaha Puntland.
Halkan Ka Dhageyso Codka Nabadoon Abshir Dhagcas Guji Halkan
Maxaa Keena Qabyaalada?
Nabadoon Abshir Dhagcad oo ka sheekeeyey dhibaatada Qabyaaladu ku hayso bulshada Soomaaliyeed ayaa Su’aal ka keenay waxa marka hore keena Qabyaalada,wuxuuna kaga Jawaabay in Qabyaalad daradu ka timaado Cadaalada oo la waayo taas intey jirtana ay jireyso,
.…”"” Qabyaaladu waxa ay ku timaadaa Cadaalad daro,Cadaalad daro intey taagan tahayna Qabyaaladi waa taagnaaneysaa,wax baabi’in karaayaana majiraan….”"”ayuu yiri Nabadoon Abshir Dhagcad,
Wuxuu sheegay in Qabyaaladu ay gashay xiligaan Diinta,Nabadoonada,Issimada,Ganasatada iyo shakhsi kasta oo Soomaaliyeed balse looga gudbi karo in la helo Cadaalad u dhaxeysa Ummada si meesha looga saaro Qabyaalada.
Xagee Diintu Maraysaa Culumow?
Wakhtigaan la joogo ayuu ku sheegay Nabadoonku in Diintu marayso meel halis ah isla markaana Culimadu u kala baxeen firqooyin wata arrimo kala duwan oo dhanka diinta ah kuwaaas oo qaarkood soo daliishanaya Aayado Quraan,Xadiisyo,wuxuuna Sababta ugu ee arinkan ku sheegay in Cadaalad daradu keentay.
…”"” Culimada marna ma fiiriseen diintu xagee maraysaa,meeqey u qeybsantay,meeqa nin walba la yimid oo u leeyahay aayad Quraan ah buu soo daliilanayaa,Xadiis buu soo daliilanayaa kee la raacaa,waa dhibaatadey kamid tahay Cadaalad darada ah….”"”ayuu Nabadoon Abshir
Nabadoonadu Ma Gar-qeybin Karaan!!!
Nabadoon Maxamed Warsame oo ku magac dheer Sinjabiil ayaa isna sheegay in Nabadoonada kaliya aysan u gar qeybin karin bulshada Puntland ee qaar kamid ah dhibaatadu ka dhextaagantahay balse looga baahanyahay Culimada garabsiin,
….”"”" Anaga kaliya ma gar qeybin karno haddaan Wadaadku joogin oo dadka u sheegeyn diinta,wwuxuu danbi ku jiro,Wadaadku uusan fadhiyin ma soconeyso idinkaa la idin ka rabaa meesha la aadayo inaad diyaar u tihiin oo dadka Wacdidaan,,,,”"”Ayuu yiri Nabadoon Sinjabiil.
Halkan ka Dhageyso Codka Nabadoon Maxamed Warsame Guji Halkan
Si kastaba Odayaasha dhaqanka iyo Culimada Puntland ayaa kaalin lama ilaawaan ah kaga jira Bulshada dhexdooda,waxayna labadooduba ku dadaalaan sidii Ummadu u noqon lahayd kuwa ka shaqeeya Wanaaga kana taga Xumaanta,waxaana soo dhaweeyey tallaabadan inta Nabada Jecel.
___________________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso