Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Boosaaso: Culuma’udiinka gobolka Bari Oo Aqoon Isweydaarsi Looga Hadlaayey Qabyaaladda u qabtay Arday Jaamacadda Bariga Afrika [Sawirro]

$
0
0

 

Maamulka Jaamacada iyo Ardeyda Wax ka barata

Boosaaso[RBC Radio] Culuma’udiinka gobolka Bari qaar kamid ah ayaa maanta Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsanaa Qabyaaladda iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo u qabtay Ardeyda wax ka barata Jaamadda Bariga Afrika ee magaaladda Boosaaso.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Prof Cabdirisaaq Hiirad Maxamed oo ugu horeyn ka hadlay Aqoon-Isweydaarsiga Ku Saabsanaa Qabyaalada ayaa uga mahadceliyey Culimada soo qabanqaabisay Barnaamijka,wuxuuna ka codsaday ardeyda in sida ugu haboon uga faa’ideystaan Aqoon Isweydaarsiga.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Prof Cabdirisaaq Hiirad Maxamed

Shiikh Cabdullaahi Cali Shabeel iyo Shiikh Cabdirisaaq Mire Gaataa ayaa u Jeediyey ardeyda Jaamacada Bariga Afrika laba Muxaadiro oo ka hadlaayey Qabyaaladda iyo Aragtida Islaamka ka qabo,waxayna sheegeen in in Qabiilku yahay shay qurun ah loogana baahyahay bulshada iney ka guuraan.

Culimadu,waxay ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika u sheegeen in Qabyaaladu tahay mid lumisa isla markaana burburisa Midnimada iyo Jiritaanka Ummada taas darteedna Waajib tahay in laga tago.

Ololahaan bulshada Boosaaso looga Wacyigelinayo Qabyaalada iyo dhibaatada ay bulshada ku hayso ayaa lagu wadaa in muddo Todobaad ah uu socdo,waxaana soo qabanqaabisay Mu’asasada Al-Minhaaj oo ka shaqeysa arrimaha bulshada iyo fidinka diinta Islaamka.

_______________________________

RBC Radio Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles