Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Wasiirka Arimaha Gudaha Dawladda Puntland : Qolo kasta oo sameysata Maamul-goboleed Gacan baan siineynaa (Daawo)

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Axmed Jaamac”Ilkajiir”

Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka Arimaha Gudaha Dawladda Puntland ayaa shaaaca ka qaaday iney diyaar u yihiin cid kasta oo dhisaneysa Maamul-goboleed iney ka gacan siiyaan arrimaha Federaalka oo khibrad fiican u leedahay Puntland,

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Axmed Jaamac”Ilkajiir” Oo Saxaafada kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Puntland khibarad u leedahay arrimaha Federaalka iyo dhismaha Maamul-goboleedyada maadaama Puntland ay tahay dawladii ugu horeysay ee noqota Federaal,

….”"”" Waxaan soo dhaweynaa dhamaan meelaha kale ee laga hindisayo in Federaal laga dhiso maadaama aanu nahay dawladii ugu horeysay ee Federaal sameysa,waxaanu ballanqaadeynaa inaanu gacan kasiino qolo kasta oo sameysaneysa Federaal….”"”ayuu yiri Wasiirku.

Jubbaland

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Cabdullaahi Axmed Jaamac ayaa sheegay in ay ka Siyaasad ahaan Puntland taageersantahay arrimaha Jubbaland isla markaana soo dhaweynayaan in dawladii labaad oo Puntland kusoo biirta dhanka Federaalka noqota.

…”"Waan soo dhaweynaa Siyaasada dawladda ee ku wajahan Jubbaland,Jubbaland waxaa ka socda Doorashooyin,waxaa ka socda Ismaamul iney dhistaan,iney noqdaan kii labaad ee kusoo biiri lahaa Puntland oo kamid noqon lahaa Federaalka,….”"ayuu yiri,,

Waxa uu tilmaamay in shirka ka soconaya magaalada Kismaayo ay u direen Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Puntland kuwaas oo ka qeybqaadanaya dhisitaan Maamul-goboleed ay yeeshaan dadka degan gobolada Jubooyinka iyo Gedo,wuxuuna intaas ku daray iney diyaar la yihiin iney Wafdi u diraan cid kasta oo Maamul goboleed Federaal dhisaneysa,

…”"”" Waad Ogtihii Jubbaland,waxaa loo diray Wafdi Wasiiro Hoggaaminayaan,Insha Allaahu kuwa kale ee dhismi-doonana sida Baay iyo Bakool marka iyana ay diyaar garoobaan iyagana markooda waan u direynaa,wixii khibrad aanu dheernahay aanu ku taakuleynayo intaba diyaar baanu ula nahay …..”"”ayuu yiri mar kale,

Fariinta Shacabka Puntland!!!!

Wasiirka arrimaha gudaha Dawladda Puntland Cabdullaahi Axmed Jaamac ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay gacmaha Isqasadaan isla markaana dawladooda la shaqeeyaan,wuxuuna EEBE ka baryey in quluubta Ummada isu soo jeediyo,

…”"” Haddii gacmaha aan isqabsano wax badan ayeynu qabasan kareynaa,ilaahay quluubteena ha isu soo Jeediyo,wax qabadka dalkeenana Allaha ha ina tuso,Waxaan rajeyneynaa in anagu ka dawlad ahaan wixii qorshe nagaga aadan aanu qabano,shacabkuna wixii kaga aadanaa iney qabsadaan…..”"ayuu yiri Wasiirku,

Si kastaba arrimaha Jubbaland,waxay noqotay mid si weyn Isha ay ugu hayaan Shacabka Puntland iyo Maamulkooduba,waxayna ka rajo qabaan in Shirka socda ka dhasho Maamul-goboleed ay yeeshaaan dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

_____________________________________

Cismaan Turaabi RBC Radio Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles