Garoowe (RBC RADIO) Francesca Mosca oo ah agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Africa u qaabilsan Midowga Yurub oo uu wehliyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Soomaliya Michele Cervone ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxayna kulamo iyo booqashoba la wadaageen Madaxda Wasaarada waxbarashada iyo Barbaarinta Puntland oo uu ugu horeeyo Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ah wasiirka wasaaradaasi iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha kale ee waaxa wasaarada.
Wafiga ayaa booqasho ku maray Dugsiga sare ee gabmbool oo qolalal cusub lagu soo kordhiyay iyo Dugsiga Farsamada gacanta ee magaalada ku yaala oo ay warbixinno kaga dhageysteen Masuuliyiinta goobahaasi xukuma kadibna waxay dib ugu soo laabteen Xarunta wasaarada, wafdigan ayaa la tusay waxyaabihii rasmiga ahaa ee lagu qabtay deeqihii ay ugu talagaleen waxbarashada puntland iyo istiraatiijiyada u dagsan wasaarada sanadaha ina soo aadan taasoo u muujisay in wasaarada waxbarashada puntland ay ka socoto hawlo muhiim ah marka loo eego sida maamulka iyo shaqaalaha wasaaradasi uga go’antahay in ay bulshada gaarsiiyaan wixii loogu soo dhiibay iyadoo wafdigii halkaasi booqashada ku tagayna ay maqsuud ka dhigeen waxyaabihii loo soo gudbiyay iyo sida loogu sharxayba.
Wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Juxa oo gunaanadka kulanka kadib saxaafada la hadlay wuxuu xusay in faafaahin dhameystiran ay wafdigan siiyeen si ay ugu qancaan in sidii la rabay ay u meel martay gargaarkii ay soo gaarsiiyeen wasaarada marka la eego waxbarashada, wuxuuna wasiirku ka dhawaajiyay qorshohooda ugu wayn ee ay u yimaadeen in ay tahay dib u eegista halkii ay mareen deeqihi ay tacliinta ugu talagaleen, wasiirku wuxuu sheegay in wasaarada waxbarashadu ay habeen iyo maalinba usoo jeedo tayeynta tacliinta Puntland hormarkaasina uu sii socondoono,waxayna wafdigu intii ay xarunta wasaarada ku jireen ay xariga ka jareen xafiis lagu maamulayo deegda ay midowga yurub ugu talagashay waxbarashada puntland mashruucaasi oo loo baxshay (waxbarashadu waa iftiin)
Wafdigii halkaasi kormeerka ku tagay dhankooda waxay muujiyeen dareen wanaag, iyagoo ku dayasho ku tilmaamay habka loo maareeyey tacliinta Puntland waxayna sheegeen in taakuleyntani ay sii soconkarto maadaama Puntland ay heer ka gadhay dhanka tacliinta soona afjartay inta badan jahliga, dhanka waxbarida haweenkana soomaliya oo dhan marka la eego ay iyadu ugu horeyso taasoo ah bey yiraahdeen habraac wanaagsan oo laga tusaale qaadan karo waxayna u mahadceliyeen Wasiirka wasaarada iyo gaashaamadiisa oo ay ku tilmaameen in ay yihiin madaalayaal u taagan kor u qaadida aqoonta guud ee puntland sida ay sheegeen.
Wafdigan indha indhenta u yimid Puntland waxaa la filayaa caawa in ay nagi ku ahaadaan Puntland berina u ambabaxaan Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.