Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Madaxweynaha ka dalbaday qorshe lagaga hortagayo dhibta doorashooyinka soo socda

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa Madaxweynaha talada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka dalbaday in qorshe cad iyo ku-talo-gal muhiim ah laga yeesho sidii doorashooyinka la geli doono sannadaha soo socda ee golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada diiwaangelin loogu geli lahaa.

Qoraal ay Guddiga doorashooyinka Somaliland u gudbiyeen Madaxweynaha, isla markaana ogeysiin laga siiyey Xisbiyada siyaasadda iyo golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, ayay Guddigu Madaxweynaha ugu sheegeen in loo baahan yahay qorshe cad oo laga yeesho in diiwaangelin lagu codeeyo doorashooyinka sannadaha foodda innagu soo haya la qaban doono.

Qoraalkaas oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), ayaa ciwaan looga dhigay; ‘Ujeeddo: Ku-talagalka Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka soo socda;  waxaanu uu qornaa sida-tan:-

“Mudane Madaxweyne: Sada aad ka warqabtid waxaa shari ah in doorashooyinka soo socda lagu galo diiwaangelin. Sidaa awgeed, waxaa loo baahan yahay inay ka wada-socdaan qaban-qaabada dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka oo kala ah:

1-Xisbiyada

2-Xukuumadda

3-Guddiga doorashooyinka

4- Deeq-bixiyeyaasha

5- Golayaasha Sharci-dejinta

Arrintan oo u baahan qabyo-tir xagga sharciga io xagga dhaqaalaha ahba, una baahan si loo qorsheeyo muddo ka hor intaan waqtigu inna soo guda-gelin, hadda sida ugu dhaqsaha badan, si gaar ahna looga tala-geliyo qorshaynta iyo qiimaynta khubaro caalami ah, lana wargeliyo Deeq-bixiyeyaasha, si ay ugu darsadaan go’aankooda iyo miisaaniyaddooda, waqti ku filanna u helaan, loona baahan yahay in qoraal war-gelin iyo qorshe ahba loogu gudbiyo hadda.” Siaa ayaa lagu yiri qoraalkaas oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise-Xamari.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa u muuqda kuwo ka welwelsan inaanay soo noqnoqon dhibaatooyin ka soo food-saara dhinaca doorashooyinka soo socda sidii ay kala kulmeen doorashadii dawladaha hoose ee 28-kii November  2012, oo lagu galay diiwaangelin la’aan, taasoo ay Ururradii iyo Xisbiyadii ku tartamay qaarkood qaaddeceen natiijada, isla markaana sheegeen in wax is-daba-marin iyo kushubasho la sameeyey, isla markaana meelaha qaarkood ay weli ka jiraan khilaafyo ka dhashay natiijada doorashada oo aan lagu wada-qancin.

Doorashooyinka la rejaynayo inay Somaliland ka qabsoomaan ayaa la filayaa inay ugu soo horreyso midda golaha Wakiillada oo Mudanayaasha hadda fadhiya waqtigoodii sharciga ahaa 2010-kii dhammaaday, isla markaana ku fadhiya muddo kordhin saddex sano ah oo loo sameeyey isla 2010-kii, Golaha Guurtida oo la filayo inay ku xigi doonaan iyo midda Madaxtooyada oo 2015-ka ku beegan.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Trending Articles