Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii VII-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maajo 18 2014
Nin qoyan biyo kama dhowrsado! Waa waajib saaran qof kasta oo Soomaali ah inuusan dalkiisa cidna ku halayn ee mas’uuliyaddiisa si gaar isu saaro! Yaa adiga wax ku dheer oo dadkaan wax u ah oo aad ku helaynaysaa inuu xilkooda kaa xigsado?! Bal mar iyo labo iyo seddex ku celceli oo is weydii su’aashaas… waa hubaal mar kasta jawaabta waxay noqonaysaa inaysan jirin cid kaa mudan isla markaasna uu Eebbe beri kugula xisaabtamayo wixii aad ka dayacday ummadda!….adigu ma maqashay wax kasta dad kale ayaa laga sugayaa; UN-ta baa cunta keenaysa! UN-ta baa daawo keenaysa!…marka adigu ku aaway?!…. dadkii waa kuu baahanyihiin ee ha baylihin waajibaadka kaa saran.
Beri baa waxaa bukooday DHurwaa (Waraabe), markaasaa Habar-dugaag shireen si loo daweeyo, waxa kasta waa lagu dayay, laakiin waa laga quustay, caafimaad waa laga waayay, maalintii dambe buu isugu yeeray Habar-dugaag oo yiri “ War dawo unbaad raadinaysaanee cudurkayga ma I weydiiseen, mase hubsateen waxa I haya?!” Habar-dugaag oo weydiintiisa ku baraarugay “Bal aan adiga ku weydiinee muxuu yahay cudurka ku haya?!” bal hadda u fiirso muxuu ku jawaabay “ Hadaad dawadayda rabtaan ninka la yiraahdo LIBAAX magaca ka bedela, caafimaad maalinka ninkaas magaca laga bedelo baa iigu horeysa!….” cajiib! Magaca Libaax ha laga bedelo! Yaa?…
Maxaad Islaam u tahay?!.. Maxaad magacaaga Soomaali u yahay, maxaad waxaan nahay u ahaan weyday, Maxaad geeska Afrika ugu abuurantay?! maxaa dhulka Ilaahay khayraadka u dhigay? .. maxaad aniga waxaan rabo u yeeli weyday?maxaad ra’yigaaga ugu socotaa?! Maxaad u tahay waxa aad tahay?! Intaasba wax qasab oo xaq laynoogu leeyahay ma aha waana Buktada jirta ee dalkeena loo duminayo! Cidna wax ma aynaan yeelin.. …Waxa aan nahay ee Eebbahay innaga dhigay, laga yaabo qaar badan oo innaga mid ah inaysan kaba war qabinee waa Tayo Sare ee Dadnimo oo Hibo Alle Gaar Inoo siiyay ah!….qofkii intaas innogu bukana god un buu la gelayaayee ninna innagama qaadi karo!
Qof kasta ha dhibsado, ha innagu naco, wax ma garato annaga ah (Soomaali ah ) ha inoo soo adeegsado, sabab kasta marmarsiinyo ha ka soo dhigto, waa un laysku dhimanee diinteena inay Islaam tahay is bedeli mayso shakina geli mayso, qofkii rabaa wuxuu doono ha sheego (Xag-jir, Asal-raac..) magacyo bixi intaa doonto!…Soomaali inaan u dhalanay oo aan nahay iyadana is bedeli mayso shakina geli maayo, Soomaaliya inaan annaga leenahay(DHul, Bad, iyo Hawo, si dhamays tiran) is bedeli mayso shakina geli maayo, seddexdaas waali iyo miyir qab midna kuma doorsamayaan…
In laynoo dan leeyahay laynooma qarin, waxaana wax kasta oo laynagu sameeyay suuro galiyay niman aan aqoon waxa ay rabaan, niman burburkii qaranimadeenii ku soo galaya siyaasadda, fursadooduna tahay dadka iyo dalkaba inay iibiyaan si ayagu wax kasta u ahaadaan,….. dhab ahaan waa sida laynagu soo galay, ….siyaasiyiinta maanta oo badankood ah dadkii siyaasadda Soomaaliya ku soo galay shirkii Mbagathi ayaa nin ka mid ah intuu shirka socday wuxuu diiday inuu wax ka saxiixo arrin aan laynoo sheegin waxa ay ahayd, waxaana isagoo banaanka weriyeyaasha la taagan u yimid nin ka mid ahaa safiirrada IGAD oo si aan qarsoodi lahayn annagoo maqlayna u sheegay “ waan ognahay ilmo yar-yar oo aad dhashay baa Nairobi wax ku barta, ilmaha Soomaaliya ku noolna xataa biyo nadiif ah oo ay cabbaan ma heli karaan, waxaa kaaga daray abaalka laguu sameeyay! marka annagana abaalkeenii wuxuu noqday inaad wax kasta innaga hor joogsato, waxaanse balan kuugu qaadayaa inaan beri ilmahaaga Muqdisho ku celino! Ballan qiimo kasta ha iigu kacdo…” isagana diidmadiisii ayuu ku adkaystay isagoo ku doodaya “Aniga Dalkaya Ma Khayaanayo Saaxiib, haddii aad doontaan circa soo dumiya!…” Cajiib hadal qaayo weyn!…ma ilmihiisa Soomaaliya ka qiimo badan?! …..
Qiimahaaga hadba waa intaad adiga ka dhigto!…waa horteena waa meeshii uu shirka ka socday..Anshax (Code Of Ethic) ma jiro! Maxaa laga rabaa in laga saxiixo, ma naqaan….si xanaaq ku jiro buu inta dhaqaaqay isagoo is caraysiinaya ku celceliyay “… waxaad samayn kartid samee, aniga ma saxiixayo!! Waligayna ma saxiixi doono!..”… bal adigu malee ! .. Safriirkii ka socday IGAD oo wali ina ag taagan baa telefoonkiisii gacanta u soo dhacay, markaasuu isagoo qosalaya shaashadda innaga tusay magaca qofka soo wacay, mise waa ninkii ay hadda is hayeen, oo inta cod baahiyihii u furay si aan u wada maqalno yiri “Haa XXX, maxaad ii soo wacday sow innagama tegin?!” isagoo waliba dhoola cadyniya…..bal hadda adigu qiyaas muxuu ku jawaabay baad is leedahay?!… “…Aniga waan saxixayaa laakiin bi-shardi waa in lay balan qaado inaan ilmahayga la celinayn!…”…
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
_______________
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post